Soomaaliya: Madaxweyne ka gudub ‘xeer —jajabka!

Image
Sanad iyo sideed bilood waa wakhti dheer marka xil – haynta xafiiskaaga inta kuu hartay iyo waxa aad qaban karto loo eego! Asbuuca danbe (October 8), labaatan bilood ayaa kuu buuxsami doonta, walina rag xanaaqsan iyo dhacdo maalmeed ayaad ka falcelinaysaa! Adi laftaadu waad xanaaqsan tahay! Tusaale, Xaaf (Galmudug), ayaa u danbeeyey oo diiday martiqaadkaagii iyo in aad xal u hesho xaalada cakiran ee Galmudug! Labo asbuuc ka hor sidaas oo kale Madaxdii maamulada kale ayaa kaa dhaga – adeegay! Xal maahan in adiga iyo RW Xasan Cali Khaire aad Xamar ka caga – jugleysaan, horeyna u socon weydaan!.
 
Doorashadaadii kadib, dadka Soomaaliyeed waxay kaaga fadhiyeen horey u galida:
 
1. Dib – u – heshiisiin, 
2. Dastuur (furid, sixid iyo ansixin),
3. Dib – u – dhisid Ciidankii 'Xoogga' Dalka, 
4. U diyaar garowga ‘doorasho’ ka haboon midii adiga lagugu doortay, 
5. Daahfurnaan iyo Dowladnimo horseeda hal – abuur siyaasadeed!
 
Doorashadaadii kadib, dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayeen, in ragii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, xeer —jajabka ku xoogeeyey aad xal u heshid. Xalka kali ah ee kuu furnaa waxay ahayd in aad Dastuurka qabyada ah raacdo, kadibna aad ka dhigto mid furan, la sixi karo, Xeer – beegtidii Soomaaliyeed ee sixi lahaana aad u saarto, mudo lagu saxana loo sameeyo, kadibna aan ka wada qayb qaadano ansixintiisa dalka oo idil (inta uu ka suurto – gali karo, adiga oo maanka ku haya xaalada Soomaaliland).
 
Baahida dalkaan u qabo wada hadal ‘‘dhab ah’’, wadajir Soomaalinimo iyo dib – u – heshiisiin guri oo qoyskasta ee Soomaaliyeed taabata, cidina dood adag kama qabto.
 
Muhiimada howshaan waan ka wada dharagsanahay, adna ololaha ayaad ku gashay! Tusaale, takoorka iyo in dharaar cad qof Soomaali ah nolosha lagu gubo meel aan waliba adi xafiiskaaga ka fogeyn, wada hadal dhab ah ayaa xal u ah ee in aad hotel dajiso wiilkii iyo gabadhii waa dhiig joojis!
 
Dastuurka Wasiir, Golayaal Baarlamaan iyo dan – lay kale (cidkasta oo dan gaar ah ka dhex arkaysa dib – u – eegista dastuurka) midna ma eegi karaan. Wasiirka Wasaarada Dastuurka waa ‘siyaasi’ dan leh, xeerkii asaga beri markuu siyaasi xanaaqsan noqdo xakamayn lahaa gacantiisa kuma qori karo, hadalka oo kooban!
 
Dastuurka Soomaaliyeed xeer – beegti, xurmo iyo xilkasnimo kulansaday ayuu u baahan yahay in aad u doorto iyo ‘xoolo’ (dhaqaale) Soomaaliyeed. Xubnahaasi waa in ay noqdaan shaqsiyaad ka caagan dan gaar ah, xulafaysi siyaasadeed iyo xeeladaysi kale. Sidoo kale Dastuurka deeq dad iyo dowlado kale bixiyeen uma baahna!
 
Hadii aadan intaas xooggaaga iskugu geyn wakhtiga kooban ee kuu haray, waxaa inoo balan ah Buffalo, New York (United States) iyo adi oo beri dal kale marti ku ah, ama ugu yaraan sida siyaasiyiinta maanta kaa aragti duwan, adna markaaga xanaaqdo, madaxda berina aad xag – xagato!.
 
W/Q: Mahad Gelle 

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM