Maraykanka oo xogo muhiim ah la wadaagay Ciidanka Israa’iil

Image

QASA (GO) - Wargeyska (The Economicist) ee kaso baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay xog ku saabsan in Israa’iil ay maanta macluumaad muhiim ah heshey maraakiibta dagaalka ee Mareykanku leeyahay ee ku sugan gobolka.

Macluumaadkaas ayaa ku saabsan guud ahaan dhaqdhaqaaqyada ay samenayaan guutada Al-Qasam iyo guutooyinka kale ee ka dagaalamaya dhinaca waqooyi ee marinka Qasa.

Sidoo kale wargeyska waxa uu qorey in caruurta ku dhimatey Qasa tiradooda ay kor u dhaaftay tiradii carruurta lagu dilay dhammaan dagaallada dhacaayay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Wargeyska oo qiyaas ka qaatay sawirrada ka imaaanya dayax-gacmeedyada, ayaa sheegay in in ka badan Toban meelood meel guryaha Qasa la burburiyey, taas oo ka dhigan in 280 qoys ay haatan yihiin hoy la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM