Javad Zarif oo booqasho lama filaan ah ku tagey Faransiiska

Image

PARIS, France - Wasiirka arimaha dibada Dalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa booqasho lama filaan ah ku tagey Faransiiska, halkaas oo uu ka socdo shirka wadamada dhaqaalaha ku horumarey ee G7. Talabadaan ayaa culeys ku kordhisay Trump iyo shirkaba.

Imaanshaha Zarif ee magaalada Biarritz oo shirku ka socdo ayaa waxaa bilowgeeda lahaa Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron, sidaas waxa yiri sarkaal sare oo ka tirsan midowga Yurub. Ma jiro qorshe Wasiirka arimaha dibada Iran kula kulmayo madaxda ku sugan kulankaas aan ka aheyn saraakiil Faransiis ah.

Trump oo wax laga waydiiyey imaanshaha Wasiir Zarif ayaa ku jawaabey, kama aan hadlayo.

Zarif waxaa uu Biarritz u yimid casumaad wasiirka arimaha dibada Faransiiska u fidiyey, Jean-Yves Le Drian, sidaas waxaa bartiisa Twitter ku qorey afhayeenka wasiirka arimaha dibada Iran.

Ujeedka safarka waxaa weeye "in la wado wadahadal dhowaantaan u socdey Madaxwehnaha Iran iyo dalka Faransiiska". Afhayeenka ayaa raaciyey intaas ma jiro wadahadal iyo dhexdhexaadin laga sameynayo Iran iyo Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa horey cabasho uga muujiyey in Madaxweynaha dalka Faransiiska damacsan yahay inuu khasab wadahadal uga dhexfuro Iran iyo Mareykanka, dalkaas oo Trump u aqoonsan yahay inuu yahay argagixisada ugu weyn ee caalamka.

Trump ayaa horey uga baxey heshiis Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka ula galay Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM