Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu joojiyey dhammaan wadaxaajoodyadii ganacsi ee u dhexeeyey Mareykanka iyo Canada, isagoo sabab uga dhigay canshuur cusub oo Kanada ku soo rogtay shirkadaha teknolojiyadda, oo ay ku jiraan shirkado Mareykan ah.

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga" isagoo intaas ku daray in canshuurta cusub ee shirkadaha tiknoolajiyadda ay tahay "weerar toos ah oo cad oo lagu qaaday dalkiisa."

Madaxweyne Trump ayaa yiri, "Iyada oo lagu saleynayo canshuurtaan foolxumada ah, waxaan halkan ku joojinaynaa dhammaan wadaxaajoodyada ganacsi ee Canada, si degdeg ah oo dhaqso ah." Waxa kale oo uu sheegay, "Waxaan Kanada u soo bandhigi doonaa canshuurta ay bixin doonaan si ay ula ganacsadaan Dowladda Mareykanka toddobaadka soo socda."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump iyo Putin oo isku soo dhawaadey, Shir ku balansan - Maxaa isbedelay?

Madaxweyne Trump ayaa horay u sheegay in ay jirto rajo wanaagsan oo ku aaddan in uu kulankaasi dhici doono dhawaan.

  • Caalamka

    07-08-2025

  • 11:37AM

Ergayga Maraykanka oo gaaray Moscow xili Trump cunaqabateyn saarayo Ruushka

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda uu Witkoff la kulmi doono, ilo ku sugan Washington ayaa Talaadadii u sheegay Reuters.

  • Caalamka

    06-08-2025

  • 05:30AM