Ciise Dhoolawaa: Gaas wuxuu wadaa muddo kororsi [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Agaasimihii hore ee hay'adda Macdanta Puntland, Ciisa Maxamud Faarax Dhoolawaa, oo ku sugan waddanka Australia ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin; Qorshaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, muddo kororsi uu rabo Madaxweynaha Puntland, Heshiisyadii lagu qalay Muqdisho ee qaybsiga Khayraadka Badda, Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhoolawaa oo Waraysi gaar ah siinayay Warsidaha Garowe Online iyo Radio Garoowe, ayaa si faah faahan uga warbixiyay qodobadaas iyo xaalka dalku wajahayo hadii qayb kamid ah lagu dhaqaaqo si aan waafaqsanayn shuruucda dalka iyo nidaamka Soomaali kuwada nooshahay.

Dastuurka Soomaaliya;

Ciise Dhoolawaa oo wax laga weydiiyay sida uu u arko kulamada wadatashiga ah ee ka socda magaalooyinka Soomaaliya ee looga hadlayo Dastuurka, wuxuu tilmaamay inuusan ku qanacsanayn islamarkaana uusan xal u soo wadin shacabkan mudada dheer kusoo jiray dhibaatada, wuxuuna dhaliilay Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah shakhsiga loo haysto inuu farogalinta ku sameeyay Dastuurka.

"Waxaa qabaa inaysan dan ugu jirin shacabka Puntland iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed siday wax u wadaan oo ah nin Kilkisha kuwata, dadkii loo yeerayay oo ah dad aan aqoon u lahayn anigu ma qabo inay tahay sida saxda ah ee wax loo samaynayo," Ayuu yiri Ciise oo hadalkiisa kusii daray, "Xoosh wuxuu ahaa ninkii dastuurkan kharibay oo siduu rabay ka yeelay, Cabdiwalina wuxuu markaa ahaa Ra'isal wasaare wuuna ogaa waxna kama qaban, markaasuu markii loo doortay Madaxweynaha Puntland wuxuu leeyahay waa la badalay iyo khalad baa ku jira."

Agaasimihii hore hay'adda Macdanta iyo shidaalka Puntland oo sii hadlaya, wuxuu xusay in ujeedooyinka wax looga badalayo Dastuurka ay tahay in dano gaar ah lagu fushada, halka Xoosh uu ku sifeeyay shakhsi kasoo hor jeeda Federaalka islamarkaana taageersan in dowladda dhexe awoodda yeelato, madaxda hadda joogana ay ku taageersanyihiin, wuxuuna tusaale u soo qaatay markii ay xafiiska yimaadeen sidii ay ula dhaqmeen maamul goboleedyada ilaa markii dambe ay isu yimaadeen oo uu aas-aasmay midowgii dowlad goboleedyada.

Qaybsiga Khayraadka badda;

Agaasimaha oo ka hadlayay sida uu u arko in iyadoo aan heshiis laga gaarin qorshaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ay madaxda qaranku isu tagaan islamarkaana heshiis ku gaaraan Kalluumaysiga iyo la bixista khayraadka badda ay tahay mid aan munaasab ku ahay xaaladda dalka iyo Jariifkii lagu hayay biyaha Soomaaliya.

Dhoolawaa wuxuu intaas ku daray, "Qolo walba dan ayay leedahay marka iyadoo dhinac kasta doonayo inuu dantiisa fushado ayaa howshan la gaarey, mana qabo inay tahay munaasab waayo dalku Dastuur ayuu leeyahay marka isaga ha lagu heshiiyo waqtigaas kadib ayaa laga hadli karaa ama la wareejin karaa awoodahan."

Muddo kororsiga Cabdiwali Gaas;

Mas'uulkan isagoo sii wata waraysiga uu siinayay Warsidahan, wuxuu carrabka ku dhuftay inuu jiro qorshe Madaxweyne Gaas ku raadinayo muddo kororsi, taasoo looga hadli doono shirka 28 March loo ballansanyahay inuu ka dhaco Baydhabo.

"Hadda waxaa jirta oo aan ognahay dowladda Puntland inay rabto in sannad loogu daro waliba shirka Baydhabo looga hadlo si dalka oo dhan Doorasho uga dhacdo 2020," ayuu yiri Ciise oo intaas ku daray, "Wax dhici kara ma ahan, waa in 08 Janaayo 2019, Puntland doorasho ka dhacdaa oo waliba hadii uu Cabdiwali doonayo wuxuu Tartami karaa ee ha tartamo."

Wuxuu intaas ku daray in qorshahan uu dabada ka riixayo Madaxweyne Gaas kaasoo fushanayo dano khaas u ah, wuxuuna cadeeyay in madaxda isu tagta nin kasta leeyahay dan gooni ah, waxa shirarka loogu ballamayana ay tahay sidii ay u danaysan lahaayeen iyagu.

Ciise ayaa uga digay in Gaas tallaabadan ku dhaqaaqo iyadoo maamulkan uu ka jiro kala aragti duwanaan siyaasadeed mid amni iyo mid doorasho intaba, wuxuuna u soo jeediyay sidii uu uga shaqayn lahaa mudada hartay hormarinta Puntland.

"Aniga ma aaminsani in dalka oo dhan hal mar doorasho ka dhacdo, amni ahaan, dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaan, Caalamkana ma jirto dal Federaal ah oo doorashadiisa hal mar la qabto." ayuu yiri Dhoolawaa oo ka digay in maamulkan dib loogu celiyo dhibaatooyin colaadeed oo uu soo maray iyo laga hor yimaado xukuumadda iyadoo waqtigeedu uusan dhammaan.

Wada-hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland;

Agaasimihii hore ee hay'adda Macdanta iyo Batroolka Puntland, ayaa shaaca ka qaaday inay jirto ajando muran iyo kala fogaansho dhalin kara ay labada dhinac ku qorshaynayaan inay kaga wada hadlaan dalka Jaabuuti, kaasoo sida uu xusay noqon doona mid saamayn ku yeesha Madaxweyne Gaas.

Ciise Dhoolawaa, ayaa sheegay in Farmaajo iyo Biixi, ay agaasimayaal in shirka Jaabuuti looga hadlo xaaladda cakiran ee gobolka Sool waliba dhinaca Federaalka laga soo xulayo guddi aan kasoo jeedin dhinaca Puntland.

"Wada-hadalkaas xog badan ayaan ka hayaa, waxaana jirta in Somaliland iyo Soomaaliya u wada-hadlayaan sidii labo maamul oo kala ah; Koonfur oo Xamar ah iyo Waqooyi oo Hargaysa ah, taasoo ay ku jirto in Farmaajo uu doonayo oo waliba ay codsatay Soomaaliland in Guddiga ka imaanaya Soomaaliya an lagu soo darin cid kasoo jeeda dhinaca Puntland." sidaas waxaa yiri Ciise oo hadalkiisa ku daray, "Muranku wuxuu u dhaxeeyaa Puntland iyo Soomaaliland, waxaa muhiim ah in labadaas dhinac wada-hadlaan hadii kale shir kasta oo looga hadlayo xaaladda Sool, Sanaag iyo Cayn lagu casuumaa Puntland."

Wuxuu sheegay in maamulka Hargaysa aysan marnaba diyaar u ahayn inay Soomaali wax ku darsadaan, balse ay damcayaan inay helaan heshiis aan waxba dhaamin gooni goosad.

"Soomaaliland waxay doonaysaa inay hesho waxaan dhaamin madax bannaani," ayuu hadalkiisa raaciyay Ciise.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Madaxweynaha Puntland uu muddo ku maqnaa magaalada Muqdisho iyadoo ay waddanka jiraan xaaladdo amni darro, wuxuuna ka aamusanyahay xaalada Bosaso iyo Nabad galyo xumada iyo isqabqabsiga u dhexeeya mas’uuliyiinta gobolkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM