Deni oo ambabixiyey gurmad ay Puntland u dirtay Beledweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda,

Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa ayaa sidoo kale qayb ka ahaa.

Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka koobanyahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo ay saaranyihiin 12,733 Kiish oo Raashin ah iyo Dhar cusub.

Waxaa deeqdan la rabaa in la gaarsiiyo 7,000 oo qoys oo ah Walaalaha Fatahaaddu saameysay ee reer Beledweyne.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka Fatahaadda Webiga Shabeelle saameysay.

"Waa waajib Dowladd iyo Shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii Masiibo ku dhacdo in loo gurmado," ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey dadweynaha reer Puntland sida ay uga jawaabeen baaqii Dowladdu ay dirtay, isla markaana ay Dowladda ugala shaqeeyeen in la helo Gurmad loo diro Walaalaheena Beledweyne.

Si gaar ah wuxuu u xusay Doorkii Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyaradu ay qaateen.

Gurmadka maanta Beledweyne loo diray oo ahaa kii ugu balaarnaa ee Puntland dirto, waxaa kasii horeeyay 5 gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo laga ambabixiyey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.

MUUQAALKA DENI

Madaxtooyadda Puntland + GO

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM