Deni: Waa in aan si mideysan isaga qabano dadka dalkan saa'idka ku ah

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Al-Shabaab kaliya halis kuma ahan nolosha Soomaalida balse waxay siyaado ku yihiin dalka waana in si Soomaalinimo ah loo wajaho ciribtirkooda, sidda uu ku baaqay Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa hadalkaan ka shaaciyey xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay caasimada ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed halkaasoo wadahadalo laba geesood ah uu tegay asbuucii hore.

Deni oo jeediyey khudbad socotay ku dhowaad 19 daqiiqo ayaa ku dheeraadey ka sheekeynta taariikhda Baydhabo, xiriirka siyaasada, bulshada iyo is-dhexgalka shacabka labadan maamul ee xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayuu ka dhawaajiyey in ay kamid ahaayeen bud-dhigeyaasha nidaamka federaalka kadib burburkii ka dhacay waddanka 1991-dii.

Iskaashi ay ka shaqeeyaan ammaanka, siyaasada, aragti mideysan oo lagu wajaho dowlad-dhiska Soomaaliya iyo xoojinta is-dhexgalka bulshadda ayuu tibaaxay in uu kula shaqeeyay dhigiisa Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen].

Shacabka labada maamul ayuu cod dheer ugu baaqay in ay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan la dagaalanka argagixisada caqabada ku ah horumarka.

"Waxaan u baahan nahay in aan si mideysan oo Soomaalinimo ah isaga kaashanayo in waddankaan dadka saa'idka ah ee Al-Shabaabka ah in la iska qabto. Waxaan ogahay culeys badan bay nagu hayaan, bulshadii bay dhex-galeen, degaanadii bay qabsadeen, dhaqaalee urursadeen, awood badan bay sameeyeen, laakiin awoodaas waxaa ka weyn iraadada markii ilaahey la talo saarto, dadka dhulka leh oo degaanka ah oo shacabaka ah iyo dowladooda haddey isku kalsoonaadaan waan hubaa in aan dalkaan dad meelo kale ka yimid in ay nagu maamulaan in aysan sax ahayn, horaa u diideen, haddana waa in aad iska diidaan, degaan walba in uu dadkiisa maamushaan federaalka waa saas; dadkiisa in ay is doortaan, nicmadiisa iyagu ay helaan Umadda Soomaaliyeedna ay kula noolaato sidda meel walba ka jirto," ayuu ka sheegay munaasabadda.

Laftagareen ayuu carabka ku dhuftay in uu "dhex u ahaa" madaxdii ka qeybgashay wada-xaajoodyadda arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab oo ah khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya ayaa joogitaan badan ku leh degaanada Koonfur Galbeed, waxaana todobaadyaddi lasoo dhaafay ay weeraro ka fuliyeen duleedka magaaladda Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM