Dowlada Puntland oo xukuntay mas'uul lagu eedeeyay musuqmaasuq

Image

BOOSAASO, Puntland – Agaasimaha Waaxda Kalluumeysiga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa Axada maanta ah lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Maxamed Cali Muuse ayaa "lagu helay" in uu sameystay dukumiintiyo been abuur ah, oo lacagaha laga qaadi jiray Doonyaha iyo maraakiibta ka jilaabata xeebaha Puntland.

Muuse waxay eeda kala dhaxeysay Mahad Cali Carcar, isu duwaha Wasaaradda kalluumaysiga gobolka Garfaduuf, kaasoo la amray in xorriyadiisa loo celiyo markii dambi lagu waayey.

Labadooda ayaa la tilmaamay in lagu xiray magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, bishii hore ee Janaayo, 2020.

Xukunsanaha ayaa haysta saddex casho oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunka, oo ay riday Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolka Bari oo soo afjartay dhageysiga kiiskaan.

Caddeymaha loo cuskaday xukunka Muuse ayaa waxaa kamid ah codad laga qabtay wada sheekeysi uu la yeeshay Carcar.

Abukar Cabdinuur Jaamac, guddoomiyaha Maxkamada, ayaa sheegay in ay "aad ugu qanceen caddeymaha la horkeenay".

Gudoomiye Jaamac oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale ay u cadaatay in dukumiintiyadda aanan la isticmaalin.

Puntland ayaa kamid ah degaanada Sooomaaliya ee garsoorku u siman yahay rayidka iyo mas'uuliyiinta, si gaar ah marka ay timaado gal-dacwadeedyada la dagaalanka musuqmaasuqa.

MUUQAALKA XUKUNKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM