Faroole: Heshiis hakaa yimaado hadii kale adigaa laguu heshiinayaa

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe.

Ugu horeyn, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa mar kale wuxuu hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, kaasoo u rajeeyay in uu ALLE ku guuleeyo waajibaadka culus ee saaran.

Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay doorasho qabsoontay bishii Augsut ee sanadkan, wuxuuna kusoo baxay wareega koowaad. Canab Axmed Daahir ayaa ahayd murashaxii aadka ugu soo dhowaa.

Faroole oo sii hadlaya ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay xayiraadda socdaalka oo ay dowladda federaalka saartay Jubbaland, taasoo ka dhalatay xaaladdo bini'aadanimo oo rayidka soo gaarey.

– Farogelin fashilantay –

Xayiraadda ayaa timid ka gedaal markii ay maxsuul aysan ku qancin kasoo baxday doorashadda Jubbaland oo ay ku guuldareystay in ay farogelin ku sameyso si ay uga hesho natiijo ka qoslisa.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay fulin weyday heshiiskii ay la gashay Jubbaland kadib socdaalkii ra’iisul wasaare Khayre iyo taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

"Gardarada looma dhama, waxa ay meesha ka socon weyday waa madaxda ugu sareysa dalka waa madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Xukuumadda oo farogelin dhaqaale iyo mid siyaasadeed sameysay ayuu tibaaxay in ay isku dayday kala qeybin bulshadda dhexdeeda ah taasoo dhinac marsan sharciga iyo Dastuurka dalka, kuna fashilantay.

– Nidaamka Federaalka –

Kadib dagaalkii sokeeye oo uu sababay nidaamkii kali talisnimadda, Soomaaliya ayaa ku heshiisay federaal, taasi oo xukuumadda hadda joogta lagu eedeynayo in ay kasoo horjeedo ayna burburineyso.

"Nidaamka federaalka waa tegay, dibna looma noqon karo, ciddii isku dayda iyaddaa ku gubaneysa," ayuu yiri. "Afkaa laga yiraahdaa nidaamka federaalkan wadnaa, ficilka socdaana waa burburin.

Senator Faroole oo sii hadlaya ayaa shacabka Jubbaland wuxuu ku booriyey in ay adkeeyaan nabadda iyo kala dambeynta ayna la shaqeeyaan maamulkooda.

"...Burburina dalkan horuu u burburay, nidaamkuu ku burburayna dib uguma noqon maayo," ayuu xusay. Soomaaliya ayaa tan iyo 1991-dii kasoo kabaneysa colaad sokeeye.

- Dib u heshiisiinta - 

Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in aysan cidna la wadaagi doonin dhibaato kasta oo ka dhasha talaabooyinka xukuumadiisa ayuu ku tartarsiiyey in uu soo codsado dib u heshiisiin.

"Geed weyn hadii jiridiisu aaney si fiican dhulka ugu aas-neyn waa dhacaa, nidaamka federaalku waa geed jirad weyn, dowladdu badan oo horumaray ayaana qaatay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dalalka ugu weyn caansan ee nidaamka ku dhaqama ayaa waxaa kamid ah; Hindiya, Jarmalka, Kenya, Ruushka, Maleysiya. iyo kuwa kale, waxaana bulshadoodu yihiin kuwa aad ugu qanacsan.

"Hadii dalkan maanta wax ka halaabaa mas'uul waxaa ka ah madaxda ugu sareysa. Waxaan soo jeedinayaa oo aan ku celcelinayaa dib u heshiisiin hala sameeyo...Adiga [Farmaajo] hakaa timaado intaan meesha ka tagin," ayuu ku daray.

Mudane Faroole ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Hadey kaa imaan waydo, intii kale ee heshiin kadho ayaa heshiisiineysa, hadii inta kale heshiiso, oo adiga aadan ku jirin heshiiska, adaa lagu heshiinayaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM