Gaas oo Agaasime guud u magacaabey Wasaarada Waxbarshada Puntland

Image

GAROWE- Kadib markii muran iyo is-qabqabsi u dhexeeya madaxda sare ee Wasaarada Waxbarshada Puntland gaarey heerkii ugu sareeyey kasoo uu sababteeda uu lahaa Madaxweyne Gaas ayaa saaka waxaa uu u magacaabey Wasaarada Waxbarshada Puntland Agaasime cusub.

Go’aanka Madaxweyne Gaas ayaa u muuqda mid uu ku taageerey Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada oo horey shaqada uga joojiyey agaasimaha la badalay.

Maxamad Farax Farmayeeri ayaa horey Wasaarada Waxbarashada Puntland uga shaqeyn jirey.

Sida warsidaha Garowe Online shaaciyey khilaafkaan ayaa waxaa xudun u ah Wasiiru dowalaha Wasaarada Yaasiin Cabdi Seed Halkaan ka akhri  .Khilaafkaan ayaa sababey in maalmo ka hor Wasiiru dowlaha iyo ku xigeenka Wasaarada shaqada ka joojiyeen agaasimaha guud taasoo sababtey in Wasiirka dib ugu soo celiyo shaqada maalintii shaley.

Madaxweynaha Puntland ayaa faragalintiisa khailaafkana mar kale waxay timid xilli warsidaha GO daga ka qaadey daaha isqabqabsiga u dhexeeya madaxda Wasaarada iyo saameynta uu Cabdiweli Gaas ku leeyahay. Halkaan ka akhri 

Gaas ayaa talada Puntland inta uu hayay  waxaa kor u kacay musuqmaasuq saameyn balaaran ku yeeshey hay’adaha dowlada Isagoo xilal kala duwan u magacaabey shaqsiyaad xiriir gaar ah ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM