Kiisaska Coronavirus Puntland oo ku dhow in ay gaaraan 200

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen laba kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 180 ayaa waxay kala joogaan gobolada Nugaal iyo Bari, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga xakameynta cudurka.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, gobolka Nugaal waxaa ku sugan hal bukaan, Bari-na waa hal kale.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay ku dhow yihiin 200, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Labada shaqsi ee uu soo ritay xanuunka sidda fudud u faafa isla markaana dilaaga ah, sidda ku cad warbixinta, waxay yihiin Laba ama Rag.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay ma jiro ruux dhintay. Wadarta geerida waa lix; bukaanada ka caafimaadey waxay tiradoodu mareysaa 15 ruux.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM