Puntland iyo UK oo kawada hadlay doorashada iyo siyaasada Soomaaliya

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif.

Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray".

Danjire Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

“Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK," ayuu ku bilaabay.

Fender ayuu xusay: "Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.

"Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay, sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah".

Ugu danbeyn, Danjiraha ayaa tibaaxay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laabto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud shacabka.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM