​AMISOM oo Dib Ula Wareegtay Magaalada Marka

Image

MARKA- Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika kasocda ee AMISOM, ayaa saaka dib ugu laabtay magalada Marka gobolka Shabeellaha hoose kadib bixitaankooda shalay. 

Dagaal ayaa dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Al-Shabaab oo degmada shalay lawareegay kuwaas oo saldhigyo kala duwan ka samaystay magalada. 

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo sheegayaa, waxaana jira xabado goos-goos ah oo laga maqlayo gudaha Marka, waxaana wararka aan helayno sheegayaa in mid kamid ah qabaa'ilka daga xarunta Shabeellah hoose gaar ahaa Biyo-maalku taageero millateri iyo mid dhaqaale siiyeen ururka iyagoo shalay si weyn usoo dhaweeyay. 

Lama garankaro sababta ku kaliftay taageerada Shabaab siiyeen, balse qabiilkan ayaa horay tabashooyin uga muujinayay dowladda Somalia. 

Mallayshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in guud ahaanba kabaxeen Marka, waxaase cabsi xooggan qaba shacabka ku dhaqan magalada kuwaas oo qaybtood lasoo warinayo inay u qaxeen deegaanada ka agdhow magalada xeebta dhacda. 

Shalay 05 Febraayo, 2016, ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia kabaxeen magalada ay la wareegeen, waxaana la ogayn sababta markii hore kaliftay inay faarujiyaan xaruntan muhiimka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 07:21AM

Mucaaradka oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 05:32AM