Duqeymo lala eegtay Hogaamiyaha Daacish-ka Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland - Labo Duqeyn oo isk-xigtay ayaa lala bartilmaameedsaday deegaanno ku yaalla gobolka Bari, ee Puntland halkaasi oo sugan yihiin hogaamiyaal katirsan Daacish-ka Soomaaliya.

Illo-wareedyo ku sugan deegaanada la duqeeyay oo kala ah Buqa-Caleed iyo Daanyo ayaa sheegay in duqeynta hore oo dhacday xalay lala eegtay goob ay ku shirayeen hogaamiyaal sare oo katirsan Kooxda.

Sheekh Cabdul-qaadir Muumin oo ah aas-aasaha garabka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa loo maleynayaa inuu ku jiro hogaamiyaasha Duqeynta lala eegtay, iyadoo wali la ogeyn khasaaraha gaaray.

Duqeynta labaad waxay wararku sheegayaan inay dhacday maanta oo Jimco ah Salaadii Jimcaha kadib, taasi oo dad lugeynayay lagu dhuftay, waxaana jirin cid ka hadashay mas'uuliyiinta Puntland.

Dadka deegaanka waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online in aan la ogeyn Gantaallada halka laga soo tuuray iyo cida soo riday, balse loo maleynayo ciidamada shisheeye ee weerarada ka fuliya Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM