Golaha Ammaanka oo cod u qaadey qaraar ay u gudbisay DF Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa cod wadar ogol ah waxay ku meelmariyeen qaraar tirsigiisu yahay 2,500 kaasoo ay gudbisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaraarkaas ayaa wuxuu dalbanayaa in muddo hal sano ah lagu kordhiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda.

Soo jeedinta ayaa ku baaqeysa in saaxiibada dunida iyo dowladda ay kawada shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga caalamiga ah ee bani'aadanimadda iyo xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya ayaa muddo kordhinta halka sano ah ku dalbatay warqad ay 22-kii November u dirtay Golaha Ammaanka.

Warbixin kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee UN-ka oo looga hadlay xaaladda shufta badeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali khatartu jirto, waxaana lagu soo qaadey laba dhacdo.

Dhacdooyinkaas oo laga soo wariyey nawaaxiga xeebaha Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in dableyda laga soo furto maraakiibta ay qafaasheen.

Saraakiisha Howlgalka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay ayaa ku adkeystay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay door muuqda ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci daradda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM