Jubaland oo soo bandhigtey sarkaal xil muhiim ah u hayey Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Mas'uuliyiinta Jubbaland ayaa Isniinta maanta ah waxay soo bandhigeen sarkaal sarre oo ay sheegeen in uu Al-Shabaab yahay.

Taliska Sirdoonka maamulka ayaa shaaca ka qaadey in Rayaan Sheekh Nuur uu isku dhiibay xoogaga ammaanka.

Mr Nuur oo kooxda gacansaarka la leh looga dhex-yaqaano Abuu Xamsa ayaa la filayaa in la geeyo xarunta dhqan-celinta.

Sidda ay sheegeen saraakiisha, Nuur ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.

Rayaan ayaa u sheegay mas'uuliyiinta in uu soo baxsaday markii uu arkay "dhibaatooyinka ka dhexjira ururkaas".

"Waxaan rajeynayaa in aan halkaan ka heli doono wax ka duwan gudaha Al-Shabaab," ayay warbaahinta dowladda kasoo xigatay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan Rayaan Sheekh Nuur oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Talaabada uu qaadey Nuur ayaa kusoo aadeysa xili ciidamadda ammaanka Jubaland ay mudooyinkii dambe kordhiyeen gulufka ka dhanka ah Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM