Madasha Xisbiyada oo cambaareysay talaabooyin ay wado DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xabsiyada Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay cambaareysay tallaabooyinka iyo ololaha ay Villa Soomaaliya "ku abuureyso" xasilooni daradda kahor doorashooyinka 2020-21.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madasha oo uu arkay GO, "talaabooyinkaas iyo ololahaas uma adeegayaan danta iyo dhameystirka ajandeyaasha qaranka".

Qoraalka ayaa raaciyey in falalkaas "aysan marmarsiyo u noqon karin dib u dhigis ku timaada doorashooyinka ama marin habaabinta umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka".

Madaxda dowladda federaalka ayay ku boorisay "in ay xoogga saaraan howlaha qaran ee hortabinta leh mar-xaladan kana fogaadaan talaabo kasta oo abuuri karta xasilooni darro".

Dhanka kale, bayaanka ayaa lagu dhaleeceeyay "isku day lagu weerari rabay xarunta madasha ahna guriga Shariif Sheekh Axmed oo ciidamo ka tirsan ku kaceen 22-23 Maaj, xili habeen ah".

Talaabadaas ayay waxay ku qeexeen "mid xadgudub ku ah" xurmadda madaxweynihii hore ee dalka iyo shuruucda wadanka".

"Ugu dambeyntii, waxaan saraakiisha iyo ciidamadda qaranka uga digeynaa in aan loo adeegsan hurinta colaado iyo isku dhacyo ciidan lagana weecin howlahoodii qaran ee loo igmaday," ayay kusoo xireen.

Eedeynta kasoo yeertay madasha ayaa timid xili Wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Islow uu maanta oo Talaado ah qashinka ku daray sheegashada ku saabsan in ay ciidamo dul-dhigeen guriga Shariif.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM