Qaylo-dhaan laga soo saarey xaalada dad Muqdisho uu kusoo ritay Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba kamid ah shaqsiyaadkii laga helay Coronvirus ayaa xaaladoodu aad u liidataa, sidda ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas oo la hadashay warbaahinta, bukaanada oo ku jira Isbitaalka Mariini ee magaaladda Muqdisho ayaa u baahan daryeel dheeraad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in cudurka uu si aayar ugu faafayo bulshada caasimadda oo lagu booriyey taxadar.


Hoos ka akhriso qoraalka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, oo caawa ka war bixisay xaaladda Caabuqa COVID-19 ee dalka, ayaa sheegtay in qaar kamid ah bukaannada xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso, laguna karaantiilay xaafadahooda.

Wasiir Fawziya Abikar Nur waxay sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Marwo Fawziya Abikar Nur waxay ku celisay in xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimaad ee ay kamidka yihiin in guryaha la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, in la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo salaanta gacan qaadka ah.

Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta dadka da'da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha ayaa bulshada ugu baaqday in qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talo caafimaad ama loo caawiyo.

Dowladda Soomaaliya waxay muhiimadda koowaad siineysaa xoojinta iyo taabbo gelinta tallaabooyinka lagaga hortagayo cudurka, waxayna bulshada ku boorrineysaa in muwaadiniinta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka shaqeeyaan bed-qabka bulshadeena.


Guud ahaan dalka, kiisaska xanuunka Covid-19 ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya 21. Laba kamid ah waxaa laga soo wariyey degaanada Somaliland, midna HirShabelle. Muwaadin aan safar gelinna wuu u dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM