Shan sabab oo Soomaaliya aysan uga dhici karin doorasho qof iyo cod

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya mustaqbalka dhow kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah, shan sababood darteeda, sidda ay aaminsan yihiin khuburo kala duwan ee indha-indheeya arrimaha dimuqraadiyadda.

Wallow ay jiri karaan qaar naqdinaya aarag-tidaan, haddana sababaha waxaa kamid ah; maqnaanshiyaha Somaliland, degaanada ay haysato Al-Shabaab, aas-aasiyaadka dimuqraadiyadda, shuruucda iyo tirokoobka.

Doodaan oo bilooyinkii lasoo dhaafay xoogeysatay ayaa imaaneysa xilli hogaamiyeyaasha siyaasadda ay isku maandhaafsiisan yihiin nooca lagu galayo doorashooyinka nagu soo fool leh ee sanadka 2020-21.

Abukaate Zakariye Yuusuf, mid kamida xeel-dheereyaasha qaba doodaas kuna takhasusay arrimaha dastuurka, ayaa xusay hadii qabto doorasho qof iyo cod iyaddoo aan la xalin caqabadahaas aysan sharciyad heli karin.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegata madax-banaani, wallow aysan dunida aqoonsan. Al-Shabaab waxay maamushaa dhul badan oo dalka kamida; Sharciyada waxaa ka taagan khilaaf xal siyaasi ah u baahan.

Ma jiro tirokoob illaa iyo haatan lagu sameeyay shacabka. Aas-aasiyaadka dimuqraadiyadda oo shuruucda kamid yihiin lama dhameystirin.

"Sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka meelmariyey wuxuu dhigayaa in la isku dhafo 4.5 iyo doorasho qof iyo cod, taasna waxay ka hor-imaaneysaa dimuqraadiyada iyo dastuurka ku meelgaarka ah," ayuu u sheegay barnaamijka faaqidaada todobaadka ee Idaacadda VOA Soomaali.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee madaxweyaha uu ka yahay Farmaajo ayaa laga doonayay in ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, hase ahaatee, waxaa la gelinayaa shaki maadaama "aysan u diyaar-garoobin".

Maamuladda dalka, xisbiyadda iyo Ururada bulshadda oo ku adkeystay in aysan qabsoomi karin qof iyo cod ayaa soo jeediyey in laga heshiiyo nooca xiga, kuna qeexay dooda Villa Soomaaliya "mid lagu rabo muddo kororsi".

Laba Senator oo ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya ayaa sheegay in waddanka geli karo jahwareer siyaasadeed hadii shirka loo balansan yahay in uu ka dhaco Dhuusamareeb looga heshiin waayo nooca doorashada.

Beesha Caalamka ayaa balanqaadey in ay taageereyso nooc walba oo hogaamiyeyaasha siyaasadda ku heshiiyaan in ay ku galaan coddeynta soo aadan, iyagoo si weyn uga digay in ay dhacdo waqti darsi aan loo dhameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM