Soomaaliya oo habraac cusub dejisay xilli ay dib u fureyso duulimaadyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay dejisay habraac cusub oo lagu dhaqan-gelin doono dib u furitaanka duulimaadyada gobolada kala duwan ee waddanka.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka duulista hawadda oo ka xaqiijiyey habkaas, ayaanan fahfaahin habraaca cusub oo la rumeysan yahay in uu quseeyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus.

Sidda ay wararku sheegayaan, nidaamka cusub waxaa kamid ah in dadweynuhu dhowr mitir isku jirsadaan marka ay raacayaan diyaaradda si lamid ah inta ay ku guda jiraan hoolka lagu sugo diyaaradda.

Fahfaahino aan la xaqiijin ayaa soo jeedinaya in wasaaraddu ku fekereyso in ay shacabku kala fogaadaan inta ay diyaaradda saaran yihiin.

"Waxaan dooneynaa in duulimaadyadda aan furno oo aysan noo keenin dhibaato cusub. Iyaddoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka, isu furnaantii waddanka in aan dib u soo celino ayaan rabnaa, hadii uu Ilaahey raali ka noqdo," ayuu Oomaar ka sheegay shir jaraa'id.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in go'aankan uu yahay mid ku meelgaar ah isla markaana ay la socon doonan sidday isku bedesho xaaladaha caabuqa.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu tartarsiisay in ay u hogaan-samaan "habraaca cusub ee ka duwanaan doona siddii hore loo safri jiray".

Howlwadeenadda garoonka iyo wasaarada ayuu dhankooda xusuusiyey in ay muujiyaan dulqaad "kuna soo talagalaan waqti ka badan intii hore".

Bilowga asbuuca soo aadan gaar ahaan 8-da bishaan June ayaa lagu waramay in uu soo bixi doono go'aanka lagu qaadayo xayiraadda duulimaadyadda gudaha, wallow aan lasoo hadal-qaadin midka caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa waxaa laga xaqiijiyey 2,146 kiisas oo ah caabuqaas dilaaga ah, 406 bukaan oo ka bogsatay, iyo 79 muwaadin oo u dhimatay, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee waaxda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM