Taariikhda Jeneraal Maxamed Abshir Muuse

Image

Minneapolis, USA - Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliya, Maxamed Abshir Muuse ayaa caawa 25-ka bisha October ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Taariikhdiisa oo kooban

Maxamed Abshir wuxuu dhashay sanadkii 1926, wuxuuna tababarkiisa ciidan kusoo qaatey dalka Taliyaaniga, isagoo dhalinyaro ah kahor inta uusan ku biirin ciidamada difaaca (Somali Defence forces).

1958 Allah ha u naxariistee Abshir Muuse waxuu noqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo in kabadan 10 sano uu ahaa, kahor inta uusan Jeneraal Maxamed Siyaad Barre afgenbiga kula wareegin talada dalka.

Abshir Muuse oo darajada Jeneraalka ka gaarey Ciidamada ayaa iska-casilay xilka Taliyaha Booliska 1968 kahor doorashadii Madaxweynaha oo xilligaasi, isagoo kasoo horjeestay hanaanka doorashada.

Maxamed Siyaad Barre ayaa xabsiga dhigay Maxamed Abshir mudo 12 sano ayuuna maxbuus u ahaa, kadib markii uu sii aad ah u mucaaraday nidaamkiisa kaligii-taliska ahaa.

AHN Maxamad Abshir ayaa kamid noqdey inta aysan burburin Dowladii Soomaaliya siyaasiyiin hore iyo kuwa cusub ( Manifesto) oo waraaq u qorey AHN Maxamad Siyaasad Barre kuwasoo ugu baaqey in xilka isaga Dago madaama dalku khatar ugu jiro inuu buburo. 

Jeneraal Maxamed Abshir markii uu xabsiga laga soo daayay kadib islamarkaana uu dhacey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu noqday hogaamiyaha siyaasadda Jabhaddii SSDF, oo xilligaasi garabkeeda ciidmada uu madax ka ahaa marxuum Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf intii u dhaxaysay 1991 illaa 1998.

Jabhada Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaliyeed (SSDF) ayaa ka talin jirtey degamada la oran jirey Woqooyi Barri ( Puntland).

Xuquuqda xogtaan isku keenisteeda waxaa iska leh warsidaha Garowe Online 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM