Weerarkii Xabsiga Muqdisho: Maxaa suurtageliyey hubka la dusiyey?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo dalka ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri oo la xiriira doorashada soo aadan, xaalada ammaanka ayaa sii xumaaneysa, waxaana maalmihii u dambeeyay dhacay weeraro.

Mid kamid ah weeraradaas oo noociisa oo kale dhif ay ka tahay dalka ayaa ka dhex-dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho markii maxaabiis loo dusiyey hub isugu jira dhowr xabo oo ah bastoolado iyo bam-gacmeedyo.

Dowladda ayaa xaqiijisay geerida 15 maxbuus, iyo dhaawaca 19 kale; illo amni waxay qireen in marxuumiinta isugu jiraan dagaalameyaal loo xukumay Al-Shabaabnimo iyo Daashnimo, iyo maxbuus kale oo rayid ahaa.

Guddiga ka kooban lix xubnood isuguna jira wasiir, taliyeyaal iyo xeer-ilaaliyeyaal ayaa baaraya si ay uga jawaabaan su'aalaha ku xeeran dhacdada.

Khuburada amniga ayaa rumeysan in la fududeeyay weerarka. Qaarkood waxay eeda fududeynta u saariyeen hay'adda sirdoonka qaranka "si ay u fakiso maxaabiis"; Inta la og-yahay hal maxbuus ayaa ku baxsaday falka.

Xuseen Sheekh Cali, agaasimaha machadka daraasaadka amniga ahna lataliyihii hore ee qaranka arrimaha amniga, ayaa rumeysan in falkaan uu caddeyn u yahay habacsanaan ka jirta jeelka dhexe.

"Weerarkan ma ahan midkii ugu horeeyay; horey waxaa u dhacay isku dayo ay kamid yihiin ciidamo qori lagula dhegay, balse arrintaan oo in la fududeeyay aysan ka marneyn waxay muujineysaa habacsanaan xoog leh oo ka jirta Xabsiga Dhexe," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Taliyihii hore ee NISA, C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo xusay in uu si shaqsi ah "u xaqiijiyey" in hub la dusiyey, ayaa aaminsan in ay suurtagelisay ciidanka ilaalada ka haya jeelka oo aan waaya-aragnimo u lahayn argagixisada.

"Meeshaas [saldhiga] kuma filna ciidan Asluub ah oo loosoo tababaray ilaalinta dad mukhaadaraad loosoo xiray; qeybaha kale ee amniga waa in ay ku yeeshaan dad uga soo warama oo waardiyaha qeyb ka haaya; waliba Shabaabka halista badan dadkii soo qabtay ee xogtooda haya waa in loo bedelaa iyagaba Asluub halaga dhigee," ayuu u sheegay Raadiyaha maxaliga ah ee KKN.

Qeybta kamid ah xabsiga ee weerarka uu ku dhacay ayaa lagu xiraa shaqsiyaadka lagu xukumay xukunada mudada dheer; waxaana caddeyn u ah in maxaabiista dhimatay 9 kamid ah ay ku xukumanaayeen xabsi daa'in.

Jeelka ugu weyn caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ammaankiisa aad loo adkeeyo ayaa ku yaala degmadda Xamar-wayne, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kadib dhacdadii u dambeysay laga bedelay ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM