Xukuumadda Federaalka oo hakisay duulimaadyadda Kismaayo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda maamulka duulimaadka rayidka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in ay hakisay dhamaan duulimaadydda tooska ah ee Kismaayo, caasimada ku meelgaarka Jubbaland.

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Axadii madaarka caalamiga ah ee Muqdisho looga hor-istaagay Sheekh Shariif Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, in uu u socdaalo magaaladaas dekada leh.

Sidda laga soo xigtay war-qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay oo loo diray warbaahinta iyo shirkadaha ayaa waxaa lagu shaaciyey in go’aanka cusub uu shaqeyn doono saddexda maalmood ee soo aadan.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran oo la socday diyaaradda Turkish Airlines maadaama uu Turkigu ka yimid ayaa kamid ah martida ka qeybgaleysa caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan qabsoomeysa.

Xisbiga siyaasi Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku tilmaamay talaabadda xukuumadda "mid xadgudub ku ah sharafta bini'aadamka iyo dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala".

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo cambaareeyay is-hortaaga Shariif ayaa ku sifeeyay "ku tagrifal awoodeed" waxayna Villa Soomaaliya ku booriyeen in ay joojiso "xadgudubka".

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee dalka, ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay "maamulka hawadda dalka u adeegsaneyso hub-siyaasadeed" isaga oo ka digay "xasilooni darro ka dhalata".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM