Askarta iyo 1XBET: Xujada qarsoon ee diidan amniga Muqdisho

Image
Baro kontaroolo cusub ayaa lagu soo kordhiyey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib qaraxyadii 29-kii October, 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya – Bishii July ee sanadkan 2022, hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo garan og-yahay NISA ayaa ku wargelisay shaqaalaha dowladda in aysan mari karin wadada dhanka Madaxtooyadda Qaranka.

Baro kontaroolo cusub ayaa lagu soo kordhiyey magaala madaxda Muqdisho kadib qaraxyadii 29-kii October, 2022 ka dhacay isgoyska Soobe gaar ahaan darbiga Wasaaradda Waxbarashadda federaalka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen digniino dhanka ammaanka ah. Safaaradaha ajaaniibta ee dagan xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa soo wariyay in Al-Shabaab ay qorsheynayso weeraro ka dhan ah xarumo dowladeed.

Hase ahaatee, waxaa su'aallo ka taagan tahay hufnaanta askarta ku sugan kontaroolada lagu hubiyo baabuurta. Dhowr qof oo adeegsadey jidadkaas waxay soo wariyeen "dayacaad" iyo "khatar aan lagu baraarugsaneyn" una baahan la tacaalid.

Ma jirto gaari qarax waday oo lagu qabtey kontarooladan. Sidoo kale, xataa lama soo bandhigin shaqsiyaad la tuhunsan oo gacanta lagu dhigay. Shacabka waxay dhib ku qabaan marida barahan.

"Sii soco lee lagu dhahaa"

Laba qof oo sababo khatar amni uga gaabsadey magacyadooda ayaa u sheegay Garowe Online in qaar kamid ah askarta ilaalisa kontaroolada ay "waqti ugu badan ku bixiyaan app-ka 1XBET badalkii ay ahayd in ay sugaan nabad-gelyadda caasimada".

"Aniga oo aan kuu sheegayn meesha ay rasmi ahaan ahayd, haddana habeen ayaan soo kor-istaagay askari ciyaaraya kadibna isaga oo aan wax su'aallo ah isii waydiin igu yiri sii soco," ayuu yiri mid kamid ah shaqsiyaadkan tibaaxay.

Tani ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaashu, waxay ka khatar badan tahay sheegashooyinka laaluush qaadashadda oo kalkii hore lala xiriirinayay xasilooni darada magaala madaxda oo kaliya Bishan November ay ka dhaceen lix qarax.

Mudadii u dhaxeysay August illaa November, 2022, Muqdisho ayaa la kulantey wadar qaraxyo oo dhan 39 kuwaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 280 ruux. Inta ugu badan dadkan waxay ahaayeen shacab la tacaalayay nolol maalmeedkooda.

"Amnigu isku halayn ma galo"

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka, Cabdisalaam Guuleed oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa su’aal ka keenay qaabka Al-Shabaab ku gashay Villa Rose Hotel oo ku dhow Madaxtooyadda.

"Waa meel xiran oo ay adag tahay in qof caadiya iska soo maro ama soo gaaro, sababtoo ah, waa meel ammaankeeda aad loo ilaalsho. Dhinaca kale waxa ka xiga xarunta Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir Godka Jilacow," ayuu caddeeyay.

Inta la og-yahay, Guuleed oo waqti-xaadirkan aan wax xil ah ka hayn dowladda federaalka ayaa hadalkiisa wuxuu sii raaciyey: "Al-Shabab ka meeshaan galay cirka kama soo degin, dhulkana kama soo bixin ee wadooyinka ayay ku yimideen".

1XBET waa mareeg online ah oo 2007-kii laga hirgeliyey dalka Qubrus. Waa barta ugu weyn guud ahaan Afrika ee lagu iibiyo cayaaraha khamaarka. Lacag sharad ah ayaa la dhigtaa haddii aad saadaasha ku guuleysatana waxaad helaysaa faa’iido.

Khatarta waxaa sii kordhinaya iyadda oo haatan uu dalka Qadar ka soconayo Koobka Aduunka ayna u badan tahay in askarta ay si ka xoogan sidii horey u adeegsadaan 1XBET halkaasoo ay ka dhalan karto feejignaan la'aan iyo dacayaad ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

  • Warbixino

    30-04-2024

  • 04:38AM

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM