Al-Shabaab oo ku lug leh ka gancsiga sonkorta la geeyo dalka Kenya

Image

NAIROBI 25 April, 2015 (GO)- Dadka ka gancsada sonkorta dalka Kenya lagu geeyo sida sharci darrada ah ayaa lagu xiriirey iney dakhli siiyaan ururka Al-shabaab sadex asbuuc kadib markii Jaamacada magaalada Gaarisa lagu diley 148 qof oo isugu jirey ardey iyo macalimiin.

Baaritaan ay sameysay jariidada Daily Nation oo maalinta Sabtida kasoo baxda wadanka Kenya ayey ku ogaatey in ganacsatada ka baayac-mushtarta sonkorta sida sharci darada ah ee lagu keeno wadanka Kenya aan lagu darin 86-da shirkadood ee lacagahooda la xayirey kadib markii lagu eedeeyey iney maalgaliyaan ururka Al-shabaab.

Wararka laga helayo hay'adaha Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ayaa sheegaya in 70 ganacsato oo ku sugan magaloyinka Kismayo, Gaarisa iyo Nairobi ay ka baayac-mushataraan ganacsiga sonkorta iyo dhuxusha.

Warbixintan ayaa tilmaameysa in ganacsatadaasi dakhliga ay siiyaan ururka Al-shabaab uu gaarayo malaayiin dollar kasoo ay u isticmaalaan weerarrada  ay ka gaysanayaan gudaha Kenya iyo Somalia.

Warbixin ay diyaariyeen hay'ada Qaramada midoobey u qaabilsan degaanka "United Nations Environmental Programme (Unep)"  iyo  Interpol ayaa daaha ka qaadeysa in ururka al-shabaab dakhliga kowaad ka helo cashuurta ay ka qadaan baraha kontrool;ada.

" daraasad laga sameeyey bar kontrool kaliya, Al-shabaab waxey ka qabteen cashuur gaareysa 8 millyan oo dollar sanad kadib markii ay cashuureen dhuxusha iyo gancsiga kale oo maraya degmada Badhadhe"Koonfurta Somalia" iyo nawaaxigeeda.' sidaa waxaa lagu qorey warbixinya hay'ada QM midoobey "Unep" iyo Interpol.

Dakhli ururinta Al-shabaab ayaa la rumeysan yahay iney muhiim u tahay weerarrada ay ka fuliyaan wadamada Somalia iyo Kenya.

Siyaasiyiinta Kenya

Warbiixnta Unep iyo Interpol ma magaacaabin shaqsiyaadka ku lug leh dakhli siinta ururka Al-shabaab balse jariidada Daily Nation cadadkeeda maalinta Sabtida waxa ay aqoonsatey in nin ka tirsan ganacsatadaas oo dagan magaalada Gaarisa inuu qaraabo dhow la yahay mid kamid ah siyaasiyiinta wadanka Kenya.

Ka ganacsiga sonkorta ka timaada Koonfurta Somalia una talowda wadanka Kenya ayaa kor u kacdey tan iyo intii ciidamada Kenya "KDF" gudaha u galeen dalka Somalia sanadkii 2011 waxaana uu ka sareeyaa dhoofinta Dhuxusha.

Ganacsatada ka shaqeysa suuqa madow ayaa iska leh raxan gadiidka xamuulka qaada kuwasoo isaga goosha magaalooyinka Kismayo iyo Gaarisa, marka ay u socdaan magaalada Kismayo ayey qaadaan cuntooyinka wadanka Kenya, soo noqdkoodana waxey u soo qadaan wadanka Kenya boqolaal jawaan oo Sonkor ah tasoo laga keeney Brazil.

" Waxaa ku yaal 5 Bar Kontrool inta u dhexeysa magaaloyinka Kismayo iyo Gaarisa, sadex kamid ah waxaa jooga ururka Al-shabaab labada kale ciidamada Kenya "KDF", gadiidka sida sonkortaan waxay gudbaan barahaan Kontrool iyadoo aan la eegin. Waxaa xaqiiq ah inuu jiro heshiis lacago ku kala qaadanayaan labadaan kooxood taasoo loo bixnayo qaab cashuureed oo sharci daro ah." ayey warbixinta UNEP iyo Interpol sheegysaa.

Musuqmasuqan ayaa sidoo kale warbixintu xuseysaa in hay'adda dakhli ururinta u qaabilsan wadanka Kenya "Kenya Revenue Authority (KRA)" ku lug leedahay marka gadiidkaan soo gaaro  xuduudka Liboi, iyaga oo u sameeya waraaqo dal ku gal oo sharci daro ah  “creative invoicing” amaba indhaha ka daboolanaya.

Gadiidkaan ayaa sidoo kale la rumeysan yahay iney xuduudka kasoo galaan Kolbio iyaga oo magaalooyinka Lamu iyo Mombasa ku wareejiya ganacsato kale kuwasoo kadib u e-keysiiya sonkorta laga isticmaalo wadanka Kenya. 

HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTAAN OO KU QORAN ENGLISH 

GAROWEONLINE + DAILY NATION 

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM