Doorasho ka socota Masar iyo Al Siisi oo la filayo inuu ku guuleysto

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QAAHIRA - Shacabka Masar ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta doorashada Madaxtinimada oo ka furmay guu ahaan dalkaasi, iyadoo Madaxweynaha hadda xukunka haya Abdel-Fattah el-Sissi uu u tartamayo xilka mar 2aad.

Doorashada ayaa socon doonto 3da maalmood ee soo socda, waxaana ku tartamaya oo kaliya labo musharax oo kala ah Moussa Mustafa Moussa iyo Abdel-Fattah el-Sissi, Taliyihii hore ee Militeriga Masar ee xukunka afgembiyay.

Qaar kamid ah shacabka Masar ayaa u arka Abdel-Fattah el-Sissi inuu yahay nin wax badan ka qabtay xasilooni darrada dalkaasi, iyadoo kuwa kale ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii-taliye dhiig badan uu diiday xukunka.

Abdel-Fattah el-Sissi ayaa shacabka ugu baaqay inay sameeyaan isku soo baxa weyn, oo ay si buuxda uga wada qeyb-qaataan doorashada socota, balse taasi noqon wayday oo tiro aad u yar ay hadda cododkooda dhiibanayaan.

Madaxweyne Abdel-Fattah el-Sissi ayaa u arka doorashada afti loo sameynayo xukunkiisa afarta sano.

Rabshadihii ka dhacay Masar 2011 dalxiiska dalkaasi oo dhaqaalo xoog badan kasoo geli jiray dowladda, waxaana shacabka ay sheegayaan in Abdel-Fattah el-Sissi uusan lahayn awood uu dib ugu soo nooleyn karo dhaqaalaha.

Musharaxa la tartamaya Abdel-Fattah el-Sissi Moussa Mustafa Moussa, ayaa daqiiqadii ugu dambaysay kusoo biiray tartanka, si ay dowladda uga hortagto fadeexad ah in doorashada uu u tartamo oo kaliya hal musharax oo ah El-Sissi.

Abdel-Fattah el-Sissi ayaa kahor istaagey musharaxiintii xibiyada mucaaradka inay kula tartamaan xilka, isagoo ka dhigay kuwa uu xabsiga dhiga iyo kuwa loo hanjabay dalka isaga cararay.

Amaanka guud ee Masar ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo goobaha codbixinta la geeyay Ciidamo dheeraad ah, si looga hortago weeraro ka dhaca dalkaasi inta ay doorashada socota.

Abdel-Fattah el-Sissi ayaa kamid ah madaxda carbeed ee xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017, isagoo la saftay Sacuudiga iyo xulufadiisa waxaana dhawaan uu siiyay Sacuudiga Jaziirado ku yaalla gacanka Suweys.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM