Eritrea oo 20 sano kadib dib u furtay Safaaradeeda Addis Ababa

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Dowladda Eritrea ayaa maanta oo Isniin ah dib u furtay Safaaradeedii magaalada Addis Ababa, kadib 20 sano oo u xirnayd maqnaashaha xiriirka diblomaasiyadeed ee dalkaasi uu la lahaa Itoobiya.

Munaasabad kooban oo ay kasoo wada qeyb-galeen Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Eritrea ee Isaias Afwerki, ayaa lagu shaaciyay dib u furida Safaaradii Eritrea ee magaaaladda Addis Ababa.

Sanadku markuu ahaa 1998-dii ayaa Irdaha loo laabay Safaraadda xukuumadda Asmara ee Addis Ababa, markaasoo uu qarxay colaadda labadda dal, taasoo hadda lasoo gaba gabeeyay kadib markii heshiis taariikhi ah ay dhawaan Asmara ku gaareen Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Dhismaha Safaaradda ayaa waxay hadda tahay mid uu muuqaalkeeda doorsoomay oo isbedel laga dareemayo maadaama mudo 20 sano ah lagu shqeynin, balse waxaa la rajeynayaa in lagu sameeyo dib u dayactir balaaran.

Dib u howlgelinta safaaradda Eritrea ayaa waxay qeyb ka tahay heshiis ay wada saxiixdeen bishii hore Abiy Axmed iyo Afwerki, kaasoo ay dib ugu soo nooleynayeen xiriirka labadda dal, iyadoo sidoo kale la isku furay isku socodka iyo duulimaada.

Heshiiska ayaa waxaay kusoo gaba gabeeyeen colaadda muddo 20-sano ka badan jirtay oo dalalkaan u dhaxeysa, taasoo ay ku dhinteen in ka badan 80-kun oo qof, oo isugu jiray Shacab iyo Askar labada dhinac.

Talaabooyinka ayaa waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa isku soo dhawaansho shacabka labadda dal iyo siyaasiyiinta hor-seedaysa, islamarkaana meesha ka saareysa colaadii gaamurtay ee ka dhaxeysay Eritrea iyo Itoobiya.

Eritrea ayaa ka go'day Itoobiya 1993-dii, waxaana labada wadan uu dagaal ka dhex qarxay 1998 kaasi oo socday tan iyo 2000, iyagoo ku dagaalamay dhul ay ku murmeen magaalooyin xuduuda ku yaalla, oo Badma ay kamid yahay.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed xilka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya loo doortey bishii April, 2018 ayaa waxaa dalkaasi ka socday dabeylo wata isbedello siyaasadeed, oo horseeday sii deynta kumanaan maxaabiis ah, in saddex Urur oo ONLF kamid yahay laga saaro Liiska Argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM