FBI oo baareysa warbixino laga faafiyey Xildhibaan Ilhaan Cumar

Image

WASHINGTON, US – Hay'ada Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee FBI ayaa lagu waramayaa in ay baaritaan ku bilowday warar laga faafiyey Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Sare ee wadankaas.

Warbixinada laga faafiyey Ihaan ee baarista ay ku bilaabatay ayaa ah in ay guursatay walaalkeed, Axmed Nuur Saciid Cilmi.

Joornaalka Daily Mail ayaa baahiyey in Ilhaan ay talaabadaas u qaadey si ay Cilmi oo haysta dhalashada Ingiriiska ugu suurtageliso in uu galo Mareykanka.

Xafiiska Ilhaan Cumar oo si xoogan kaga falceliyey sheegashooyinkaas ayaa wuxuu ku tilmaamay "kuwa aan sal iyo baar lahayn".

Wargeyska New York Times ayaa daabacay in maxsuulka baaritaanka loo gudbin doono Hay'adda Socdaalka ee loosoo gaabiyo ICE.

Jaraa'idka ayaa wuxuu intaas ku daray in baareyaasha ay la kulmeen shaqsi la sheegay in uu hayo xogta eedeynta Ilhaan.

Caddeymo laga waayey gudaha Soomaaliya halkaasoo Ilhaan ay ku dhalatay ayaa eedeyntaas ka dhigtay "wax aan la caddeyn karin".

Hadii lagu helo fal-dambiyeedkaas, Ilhaan ayaa xabsi ku qaadan karta shan sano iyo ganaax lacageed oo 250-kun oo Doolar ah.

Ilhaan Cumar ayaa haatan ah hooyadda laba caruur ah oo uu dhalay Axmed Xirsi, seygeedii hore kaasoo ay kala tageen 2019-kii kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ay xalin kari waayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM