Haweenay fulinta howlgal sirdoon u martay Soomaaliya oo la xiray

Image

ROMA, Italy – Haweenay la wariyey in kumaan kun lacagta Yurub ah uu baadari awood ku leh xarunta Masiixiyiinta u siiyey si ay howlgalo sirdoon qarsoodi ah uga fuliso wadamo dhaca qaarada Afrika ayay xireen bileyska dhaqaalaha Italy.

Cecilia Marogna, oo 39-sano jir ah, ayaa la qabtay fiidnimadii Talaadada asbuucii hore markii dacwad-oogeyaasha dalka Vatican ay soo saareen bawlo caalami ah, sidda ay tabisay Financial Times oo soo xigatay warbixino warbaahineed.

Marogna oo lagu qabtay magaalada iidhehda dharka caanka ku ah ee Milan ayaa si cad waxay u qiratay in ay wada shaqeyn kala dhaxeysay shirkado Soomaaliya ku yaala, balse ma shaacin magacyada iyo nooca howlaha ay qaban jireen.

Xarigeeda oo qeyb ka ah baaris fal-dambiyeed kaasoo lagu goobayo bu'da heshiisyo ay saxiixeen mas'uuliyiin ka tirsan hogaanka Masiixiyiinta ayaa la rumeysan yahay in uu midkii ugu horeeyay ee taariikhda abid waddanka soo saaro.

Horaantii bishaan, Ms Marogna oo ka jawaabtay wararka sheegaya in lacagta Vatican-ka ay ku wareejisay shirkad ay maamusho ayaa u sheegtay jaraa'idka Domani in lagu heshiiyey in ay Afrika ka sameysay xiriir diblumaasi oo adag.

Fahfaahinta khidmada ay qaadatay Ms Marogna ayaa soo if-baxdey markii Cardinal Becciu, mid kamid ah shaqsiyaadka ugu awooda Vatican-ka isla markaana waaxda maaliyada maamulayey 2011 illaa 2018 uu baadariga ugu weyn Masiixiyiinta Pope Francis waydiistay in uu shaqada uga tago sababo ku aadan eedeymaha ka dhanka ah ee lagu tilmaamay in ay yihiin "maamul xumo".

Horaantii sanadkan, ganacsadahan ayaa lagu soo oogay dacwado ay kamid yihiin door uu ku lahaa koox kamid ah xogheynta xarunta baadariga kuwaasoo caasimadda UK ee London ka iibsaday dhismeyaal loo tamashlo doonto.

Wallow uu qirtay in uu lacag u siiyey Ms Marogna si u sameyso xiriir diblumaasiyadeed iskana fogeeyey ogaanshiyaha in si qaldan loo adeegsaday, Becciu ayaa eedeynta maamul xumadda ku qeexay "mid aan run ahayn".

Ms Marogna oo ku adkeysatay in ay qandaraasle ahayd ayaa dooda ku saleysan in lacagta lagu iibiyey agab qaali ah waxay ku difaacdey in ay la kulmayeen madax sarre isla markaana ay tagayeen wadamo "ugu yaraan lagu qafaalan karay".

"Hadii aad aragto warbixinadeyda bangiga waxaad arkeysaa in aan lacago u dirayey shirkado ku yaala Soomaaliya. Wadamada qaarkood lacagta kuma bixin kartid nidaamka ATM," ayay bishan u sheegtay jaraa'idka Corriere della Sera.

Maxkamadaha Talyaaniga ayaa lagu waddaa in ay bilaabaan geedi u socodka ay ku go'aaminayaan in ay aqbalaan dalabka dacwad-oogeyaasha Holy See si ay Talyaaniga uga dhoofiyeen Ms Marogna kuna wareejiyaan Vatican-ka.

Vatican waa waddan ay ku wareegsan tahay caasimada Talyaaniga ee Roma kaasoo nidaamkiisa maamulka uu madax-banaan yahay, waxaana ay fariisin u tahay hogaanka ugu sareeya Diinta Masiixiinta oo sanadihii dambe ay la dagtay fadeexado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM