Iiraan oo qiratay in ay iyaddu soo riday diyaaradii rakaabka ee Ukraine

Image

TEHRAN, Iran - Dowladda Iiraan ayaa qiratay in ay iyaddu soo riday diyaaradii rakaabka Ukraine, taasoo todobaadkii hore kusoo dhacday meel ku dhow magaaladda caasimada ah ee Tehran.

Qoraal kasoo baxay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in "qalad ka dhacay bini'aadam" ay sabab u ahayd gantaalka ku habsaday diyaaradda oo hawada sare ku jirta.

"Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhamaan eheladda dadkooda ku waayey musiibadaas aan ola kaca lahayn," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidda la sheegay, 180 qof oo tobban kamid ah ay rakaab yihiin ayaa ku naf-weysay dhacdadaas oo timid xili ay jirto xiisadda ka dhalatay dilkii Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamadda Quds.

Qirashadda Iiraan ayaa timid markii qaar kamid ah dowladaha ay dadkoodu saarnaayeen diyaaradda burburtay ay sheegeen in Tehran ay "si aan ku talagal ahayn" u toogatay diyaaradda.

"Dadkii ka dambeeyay falkaas waxaa ka horgeyn doonaa hay'addaha garsoorka," ayaa lagu yiri bayaanka, oo raaciyey "Khaladkan dhacay dib dambe u soo laaban maayo".

Diyaarada oo kusoo jeeday Kiev, caasimadda Ukraine, ayaa soo dhacday wax yar kadib markii ay duushay. Mas'uuliyiinta Iiraan waxay diideen in ay wareejiyaan sanduuqa madow.

Javad Zarif, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay in ay raaligelin ka bixinayaan talaabadan lagus oo riday diyaarada.

Sanduuqa madow oo laga helay meesha ay kusoo dhacday diyaaradda ayaa xoojinaya baaritaanka lagu ogaanayo sababta keentay in ay burburto diyaaradda, wallow haatan lasoo bandhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM