Ilhaan Cumar oo dalbatay in loo naxariisto ninkii dilka ugu hanjabay

Image

WASHINGTON, US – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa warqad ku aadan taageerihii Donald Trump ee dilka ugu hanjabaday u dirtay xeer-beegtadda degmadda Frank Geraci.

Mudanaha ayaa ku boorisay maxkamadda heer federaalka in ay u naxariisato ninkaan isla markaana aan garka loo gelin xukun adag oo sanado oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo kumanaan Doollar ah.

Patrick W. Carlineo Jr oo dambi qirasho sameeyay ayaa waxaa la filayaa in xukun lagu riddo 14-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan 2020-ka.

"Eedeysanaha oo xukun dheer ama ganaax lacageed lagu xukumo uma noqoneyso aargoosi," ayay ku tiri qoraalkeeda. "Masoo celineyso dhibatada uu geystay, waxay kordhineysaa caradda iyo baroorta".

Gabadhan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Trump oo dhowr jeer ay hawada isku mariyeen hadal xanaf leh oo sarre u qaadey naceybkooda.

"Waa in aan barnaa jaceylka. Sidaas awgeed, ma aaminsani in eedeysanaha sanado badan ku qaato xabsiga ama laga qaado ganaax badan. Naxariis ayaan codsanayaa in xukunka lagu saleeyo".

Qareenadda difaacaya eedeysanaha oo ka jawaabay warqadda ayaa wuxuu taageeray oraahda Ilhaan, isla markaana u mahadceliyey.

Xafiiska xeer-ilaalinta oo ku adkeysay in aysan ka talaabsan doonin mas'uuliyadda Dastuurka iyo qodobada uu xeerinayo in xukunka lagu saleeyo ayaa nan soo qaadin ciqaabta ay marsiin doonan Carlineo.

Carlineo ayaa kadib markii uu hanjabaadda gudbiyey waxaa qabatay FBI-da oo uu u sheegay in uu yahay taageero u jad-beysan Trump uuna neceb yahay cid kasta oo kasoo horjeeda.

"Iyadda oo qofka haysto xorriyad hadalka, isaga ayaa qaadaya mas'uuliyadda hanjabaadda iyo wax kasta oo ka dhasha," sidaas waxaa laga soo xigtay xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, James Kennedy.

Eedeysanaha oo degan galbeedka magaaladda New York ayaa waxaa hadii lagu xukumo ganaax lacageed waxay la macno tahay in uusan geli doonin xabsi, balse dabageli doonin guud ahaan xaaladiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM