Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay weerar uu kusoo qaadey Donald Trump

Image

WASHINGTON, US – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ee ka tirsan Aqalka Sare Mareykanka ayaa iska difaacdey weerar dhanka afka ah oo uu madaxweyne Donald Trump kusoo qaadey xilli uu joogay gobolkeeda Minnesota.

"Mid kamid ah arrimaha ugu muhiimsan doorashada waa mawduuca qaxootiga, waad og-tihiin, waad og-tihiin, way dhacdaa wax ka wanaagsan cid walba," ayuu Trump ka yiri Jimcadii isu soo bax uu ku qabtay ismaamulkaas.

Trump ayaa kadib si toos ah u beegsaday Ilhaan, taasoo dalkeeda Soomaaliya uu ka qaxiyey colaad isla markaana xeryo qaxooti ku qaada muddo.

"Waqti fiican maku soo qaadatay waayahaagii qaxootinimada?" ayuu raaciyey, isagoo duray "Taas waa wax fiican, Ilhaan, taas waa mid qurux badan. Sidee cadaabta uga guuleysatay? Sidee ayay labinta ku heshay iyadda".

Madaxweynaha ayaa si uusan caddeyn u hayn wuxuu u sheegay in murashaxa dimuqraadiga, Joe Biden, "uu Minnesota ka dhigi doono xeryo qaxooti".

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, 37-sano jirtaan ayaa u jawaabtay madaxweynaha, iyaddoo si cad u tiri "Tani waa qaxootiga u socota ay waqti fiican u hesho si ay ugu coddeysay in aad adiga meesha ka baxdo".

"Dad badan baa isku dayey kuna fashilmay iyagoo murugeysan in ay kala qeybiyaan dadka reer Minnesota, waan ka sareysaa cabsida," ayay xustay Ilhaan oo kamid ah koox haween ah oo si adag u dhaleeceeya Trump.

Isagoo ku faanaya musaafurinta Soomaalida, madaxweynaha ayaa isku sifeeyay "darbiga u dhaxeeya riyada Ameerika iyo fowda," hadaladaas oo si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshadda, lagana bixiyey tafsiiro kala duwan.

Mr Trump ayaa sanadkii hore wuxuu Ilhaan Cumar ugu baaqay in ay dib ugu laabato waddankeeda Soomaaliya oo uu ku qeexay "meel fowda ah".

Wareysi ay dhowaan siisay Jariirada The Independent ayay Ilhaan daaha uga qaadey in Trump uu hub ahaan u adeegsanayo in uu asalkeeda ka hadlo.

"Waxaan ku sifeysanahay jinsiyado kala duwan. Waxaan ahay haweenay, waxaan ahay madow, waxan ahay qaxooti, waxaan ahay muhaajir, Muslim, waxaana xirtaa Xijaab. Dhamaan waxay xaqiijinayaan xuquuqdeyda, waxaana hub ahaan u adeegsanaya Donald Trump," ayay si aan gambasho lahayn u tiri.

Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa iyaddoo yar waxay qoyskeedu geeyeen Mareykanka kadib colaadii sokeeye ee ka qaraxdey waddanka. Loolanka kala dhaxeeya Trump ayaa wejiyo kala duwan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalo dadban oo u bilowday Xamaas iyo maamulka Yahuuda

Dalalka Qadar iyo Masar ayaa u kala dad-qaadayo dhinacyadda wadaxaajoodyada u furmeen.

  • Caalamka

    19-03-2024

  • 04:26AM

Trump oo ugu baaqay Netanyahu in uu joojiyo dagaalka Qasa

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil inuu qaato nabadda.

  • Caalamka

    18-03-2024

  • 08:52AM