India oo lagu cambaareeyay sii deynta shaqsiyaad "burburiyey" Masjid

Image

NEW DEHLI, India – Maxkamad gaara kuna taala waqoyga magaalada Hindiya ee Lunknow ayaa Arbacada maanta ah sii deysay 32 kuwaasoo lagu eedeeyay dambi la xiriira burburinta Masjidka Babri ee ku yaala magaalada Ayodhya.

Afar mas'uul sarre kana tirsan xisbiga Hinduuga talada wadankaas haya – Bharatiya Janata Party [BJP] – ayaa ku jira eedeysaneyaasha maxkamadeyntoodu socotay ku dhowaad 28-kii sano ee aynu kasoo gudubnay.

Todoba iyo tobban kamid ahaa 49 eedeysane ayaa si caadiya u geeriyooday mudadii ay socotay geedi u socodka maxkamadeyntooda.

Telefishinka NDTV ayaa wariyey in garsooraha uu sii deynta u cuskaday in aysan xaqiijin karin codad iyo muuqaalo caddeymo loosoo bandhigay.

Garsooraha ayaa intaas ku daray in buburinta loo sameeyay "is-qabqabsiyo bulsheed" aysana muuqan in ay ahayd wax lasoo abaabulay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan oo si kulul u cambaareysay sii deyntan ayaa ku sifeysay "wax laga xishoodo"; xukuumadda New Dehli ayay xusuusisay in aysan dhiiragelin talaabooyinka wiiqaya dadka laga badan yahay.

Muran lagu kala qeybsamay

Muranka Masjidka Babri oo wali ah mid lagu kala qeybsan yahay isla markaana aad loo siyaaadeeyay ayaa 1992 waxaa burburiyey xagjiriin Hinduu ah kuwaasoo kasoo jeeda ismaamulka waqoyga ku yaala ee Uttar Pradesh.

Taariikhyahanada ayaa sheegaya in dhismahan uu ahaa macbad ay lahaayeen, halka Muslimiinta ay xusayaan in uu Masjid ay ku cibaadeystan.

Rabshado ka dhashay burburinta Masjidka ayaa sababay geerida ku dhowaad laba kun oo ruux kuwaasoo u badan shacab si gaara caruur iyo haween.

Bishii November, 2019, maxkamadda sarre ee Hindiya ayaa ogolaatay in dhismaha laga dhigo Macbad. Bishii Febraayo ee sanadkan, ra'iisul wasaare Narendra Modi wuxuu xusay in dowladda dhameystirtay dhismaha Macbadka.

Macbadka waa mid kamid ah balanqaayadda xisbul xaakimka, waxaana dhegax-dhigay Modi bishii August ee saandkan aynu ku guda jirno. Shaqsiyaadka caanka ah ee dalkaas waxaa lagu dhaleeceeyay in aysan ka hadlin qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM