Kenya: guddoomiyihii Garisa oo la eryey iyo saraakiil la xirxirey

Image

April 22, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa shaqada ka joojisey guddoomiyihii deegaanka Gaarisa, Njenga Miiri waxaa sidoo akle xabsiga loo taxaabay shan sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada booliska.

Wararka Gaariska laga helayo ayaaa sheegaya in saraakiishan lagu  soo eedeeyey inay wax ka ogaayeen weerarkii Al-shabaab dhowaan la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa horay waxaa uu madax uga ahaa deegaanka xeebta ee Lamu, halkaasoo horay Al-Shabaab u weerartay, kuna dishay ilaa 60 qof.

Dowladda Kenya ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Militeriga Kenya ayaa duqeeyey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab oo ku yaal Soomaaliya, dad badan oo laga shekiyey ayaa la xirey waxay sidoo kale Kenya xanibtey 86 akoon oo ay lahaayeen shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali u  badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM