Kim Jong-un oo ka qoomameyay dilka mas'uul u dhashay South Korea

Image

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi – Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu waramay in uu raaligelin ka bixiyey toogashadda mas'uul u dhashay Kuuriyadda Koonfureed oo la waayey todobaadkii hore.

Xafiiska madaxweynaha South Korea, Moon Jae-in, ayaa war-saxaafadeed wuxuu ku shaaciyey in hogaamiye Kim Jong-un uu dhacdadaas ku tilmaamay "talaabo laga wanaagsanaa in lagu dhaqaaqo".

Mas'uulka la toogtay ayaa lagu waramay in uu shaqaale ka ahaa Wasaaradda Badweynta iyo Kaluunka isla markaana uu howlo kormeer ah ka waday xeebaha ku teedsan xuduudka labada waddan.

Xilli aysan soo bandhigin magaciisa, milatariga Kuuriyadda Koonfureed ayaa intaas ku daray in mas'uulkaas uu u muuqday mid isku diyaarinayey in uu u goosto Kuuriyadda Waqooyi balse la khaarijiyey.

Wasaaradda Gaashaandhiga South Korea ayaa daaha ka rogay in shaqsigaas ay ciidamadda Koonfuriyadda Waqooyi gubeen kadib markii ay dileen, iyaddoo falkaas ku sifeysay in uu ahaa "mid fool xun".

Sohdinta labadan dal ayaa kamid ah kuwa ugu ammaan sugida iyo ciidamo joogida badan, waxaana ugu wacan colaada aan wali xalka kama dambeysta ah laga gaarin ee dhextaala Seoul iyo Pyongyang.

Raaligelinta Kim Jong-un oo ah talaabo naadir ah ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jiraan dedaalo caalami ah kuwaasoo daaha gedaashiisa uga socda sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen wadamadan deriska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM