Lix sifo oo Trump Donald uu ku tilmaamay Abuubabar Al-Baqdaadi

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqay in Abuubabar Al Baqdaadi, hogaamiyihii Daacish, uu ku dhintay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dalka Suuriya.

Howlgalka oo ka dhacay waqooyi barri dalkan Carbeed habeenimadii Sabtida ayaa ka dhacay tuulo ku dhow magaaladda Idlib.

Diyaarado nooca qumaatiga u kaca iyo ciidamo Ameerikaan ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka qeyb-qaataan gulufkan weynaa.

Trump ayaa shaaciyey in Baqdaadi uu ku dhex-geeriyooday god dhulka hoostiisa ku yaala oo uu isku qarxiyey markii ciidanka Mareykanka ay soo hareeyeen hoygiisa. Saddex caruur oo wehlisay la dhimatay.

Sidda laga soo xigtay Trump, 11 kale oo caruur ah ayaa laga soo badbaadiyey hoygiisa, kuwaas oo haatan caafimaadkoodu sareeyo.

Dagaalameyaal kale oo tiradooda uusan shaaca ka qaadin ayuu Trump ku nuux-nuux saday in ay sidoo kale ku khaarijiyeen howlgalka.

"Xaqiijinta in uu Baqdaadi yahay waxaan ku sameynay 15-daqiiqo," ayuu Trump yiri, isaga oo sharaxaya baarista DNA-ga hogaamiyihii ISIL.

Askari Ameerikaan ah ayuu ku adkeystay in uusan waxba kasoo gaarin howlgalka. "Balse hal Ey Ameerikaan oo heer sarre ah kaasoo qurux badan ayaa ku dhaawacmay," ayuu raaciyay.

Dalalka kala ah; Turkiga, Ruushka, Suuriya, Ciraaq iyo falaagadda Kurdiyiinta oo uu u mahad-celiyay ayuu cod dheer ku qeexay in ay Mareykanka ka caawiyeen gulufka.

"Dhowr isbuuc ayaan dabagal ku haynay Baqdaadi," ayuu hoosta ka xariiqay Trump, kaasoo ka dhawaajiyay in dhowr jeer ay baajiyeen howlgalo lagu dili karay horjoogahan.

Sifooyinka

Intii uu shirka jaraa'id ku jiray, Trump ayaa ka dhawaajiyay sifooyinka "qaab daran" oo uu yeeray Baqdaadi oo gedaashiisa "ay dunida noqoneyso mid amni ah maadaama la khaarijiyey cadowgii ugu weynaa dunida".

Mar uu ka hadlayey shaqsiyadiisa uuna ayidday sheegashooyinka ku aadan in caafimaadkiisu liitay, Trump wuxuu yiri: "Wuxuu ahaa nin xanuunsan oo murugeysan".

Donald Trump ayaa mar uu sharaxayay qaabka uu u dhintay wuxuu yiri: "Saaxiibadii waxay u baahan yihiin in ay sheegaan qaabka uu u dhintay, ma ahan sida halyeey waa sida sidda eygii iyo qaab fuleynimo ah".

"Baqdaadi wuxuu waayihiisii u dambeeyay ee dunida uu ku qaatay cabsida ciidamada Mareykanka. Wuxuu ahaa xayawaan aan aqoon badan lahayn," ayuu xusay. "Dalkeena waxay u ahayd maalin weyn oo fiican".

Abuubabar Al-Baqdaadi oo ku dhintay da'da 48-sano jir, ayaa markii ugu dambeysay ee shaashadaha uu kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan, markaas oo kooxdiisu lumisay dhul badan oo Suuriya ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM