Madaxweynaha Kenya oo lagu maxkamadaynayo Hague

Image
Image
Image

October 8, 2014 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta kasoo hor muuqan doona maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Kenyatta waxaa lagu soo eedeeyey inuu geystey gabood-fallo ka dhan ah xuquuqul insaanka qayb ka qaatay rabshadihii ka dhacay Kenya kadib doorashadii 2007, rabshadahaas oo dad kun qof ka badani ku geeriyoodeen.

Madaxweynaha Kenya wuxuu iska fogeeyey dhammaan eedaymaha loosoo jeediyey isagoo dhowr mar oo hore ku celceliyey inuusan wax dembi ah gelin waxna ka ogeyn qalalaasihii Kenya ka dhacay sanadkii 2007.

Horay Dowladda Kenya waxay u diidey in Kenyatta isagoo xilka haya looga yeero maxkamadda ICC, haseyeeshee Uhuru ayaa iskiis u go'aansaday inuu aado Hague isagoo xilkana si kumeel gaar ah ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa William Ruto.

Waa madaxweynihii ugu horreeyey ee maxkamadda dambiyada dagaalka ICC hortaga isaga oo xilka haya laga soo bilaabo markii maxkamadaas la asaasay sanadkii 1998.

Xigasho: BBC/Africa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM