Mareykanka oo dhimaya Ciidanka ka jooga Africa [Akhri Sababta]

Image

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.

Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya, Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo.

Hase yeeshee, militariga Maraykana ayaa si weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Somalia.

Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka tahay istaraatiijiyad uu Maraykanku culeyska ku saarayo dagaalka baaxaadda weyn leh, halkii uu kooxo mitidiin ah uu dagaal kula jiri lahaa.

Talaabadan ayaa sidoo kale timid, ka dib markii afar askari oo ku sugnaa dalka Niger la dilay, kuwaas oo wasaaraddu ay qiratay in gaabis dhinaceeda ka yimid ay ku dhinteen.

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM