Mareykanka oo soo bandhigay "caddeynta" dhimashada Baqdaadi

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa baahiyey sawirro iyo muuqaalo ay ku sheegeen "caddeynta" dhimashada Abuubabar Al Baqdaadi, hogaamiyihii kooxda la magac baxday dowladda Islaamka.

Muuqaalka oo warbaahinta lala wadaagay ayaa muujinaya ciidamadda oo rasaas ooga uga qaadaya hoyga Baqdaadi oo ku yaala waqooyi bari ee Suuriya, kadibna Gentaalo la dhacaya guriga oo kadib "dhulka la sin-maya".

Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur.

Ma jiro askari Ameerikaan ah oo wax ku noqday howlgalkan oo ay iska kaashadeen dowladdo waaweyn. Madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Turkiga, Ruushka, Ciraaq iyo Kurdiyiinta Suuriya.

Kooxda Daacish ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka ee dilka Amiirkeeda, wallow warbaahino kala duwan oo kooxdu leedahay ku kala qeybsameen xaqiijinta warka geerida.

Maalin kadib dilka Al-Baqdaadi, Mareykanka ayaa tilmaamay in uu khaarijiyey ruuxii lagu waday in uu bedelo hogaamiyaha dhintay, kaasoo ahaa afhayeen. Haatan laba ruux ayaa aad loogu saadaalinayaa jagaddan.

ISIL, oo bari xukumeysay dhul badan oo Suuriya ka tirsan, ayaa la rumeysan yahay in haatan ay baaqi u yihiin dagaalameyaal gaaraya 14-kun.

Dhimashadda Al-Baqdaadi ayaa la aaminsan yahay in ay dharbaaxo ku noqoneyso howlgaladda waaweyn ee maleyshiyaadka, taas oo uu Trump ku sifeeyay "kooxdii ugu arxanka darneyd ee aduunyadda soo marta".

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa tibaaxay in hoyga Baqdaadi ay kasoo heleen "macluumaadyo muhiiim ah" kuwaas oo ay kamid tahay weeraro waaweyn oo ka dhan ahaa qaar kamid ah dalalka aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM