Abuubabar Al-Baqdaadi: Dunida oo ka falcelisay geerida hogaamiyihii ISIL

Image

WASHINGTON, US – Hogaamiyihii Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi, ayaa ku dhintay howlgal ay Waqooyi Bari dalka Suuriya ka fuliyeen ciidamada Mareykanka, sidaas waxaa xaqiijiyey madaxweyne Donald Trump.

Isaga oo Axadii ka hadlayey shir jartaa'id, Trump ayaa cod dheer ku qeexay in Baqdaadi muddo isbuucyo ah ay dabagal ku wadeen.

Sidda laga soo xigtay madaxweynaha Mareykanka, Amiirkii ISIL ayaa geeriyooday markii uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah kuna yaala tuulada Barisha, halkaas oo isku qarxiyey isaga iyo saddex caruur.

Intii uu ku guda jiray shaacinta, Trump ayaa u mahad-naqay Turkiga, Suuriya, Ciraaq, Ruushka iyo Kurdiyiinta Suuriya oo door cayaaray.

Dunida ayaa warkan qaab kala qeybsanaan ah uga falcelisay. Dowladaha qaar ay soo dhaweeyeen, halka kuwa kale ay hoos u dhigeen khaarjinta ahmiyadiisa.

Turkiga

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa tibaaxay in khaarjinta Baqdaadi "ay tusaale u noqoneyso gulufkeena ka dhanka ah agagixisadda".

Russia

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa uga falcelisay warkan iyada oo tuhun muujineysa tireyna "ma jiraan xogo lagu kalsoonaan karo".

"Howlgalka Mareykanka ma xaqiijinayo in gebi ahaanba 'la ciribtiray hogaamiyihii hore ee ISIL Abuubabar Al-Baqdaadi," ayay bayaan ku tiri.

Israel

Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa dhacdadan wuxuu ku sifeeyay "guul cajiib ah" balse "waa in horey loosii wadaa gulufka".

"Tani waxay la falgaleysaa waxa aan dooneyno, Mareykanka iyo guud ahaan dalalka xorta ah ee la dagaalamaya ururada iyo dowladaha argagixsada ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saarey xafiiska Netanyahu.

Iran

Wasiirka Warfaafinta Iiraan, Mohammed Javad Azari-Jahromi, ayaa Twitter-ka kusoo qoray in dilka Baqdaadi "uusan ahayn wax weyn".

"Kaliya waxaad dishay abuurkaagii," ayuu ku daray, isaga oo aan bixin caddeymo waaf ah. Tehran ayaa aalaaba eedan u jeedisa Washington.

France

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska, Florence Parly, ayaa u hambalyeeyay Mareykanka balse wuxuu sheegay in dagaalka ISIL uusan dhiman.

"Waxaan tacsi u direynaa dhamaan dhibaneyaashii sababsaday gacanta iyo fal-dambiyeedyadda miyir-laabe Al-Baqdaadi," ayuu raaciyey.

Ingiriiska

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johson, ayaa xusay in dilka Baqdaadi muhiim yahay balse wuxuu xusay in ISIL aan wali laga takhalusin.

"Waxaan ku garab taagan nahay xulafadeena dagaalka ka dhanka ah argagixisadda iyo ciribtirkooda," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Japan

Xoghayaha laanta fulinta Japan, Yoshihide Suga, ayaa sheegay in dilka Baqdaadi "ay muhiim u tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe".

Shir jaraa'id oo uu Tokyo ku qabtay ayaa waxa uu ka sheegay "in dagaalka argagixisada uusan wali dhamaan" ayna dowladiisa sii wadeyso.

Australia

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa akhbaarta ku saabsan dhimashadda al-Baghdadi ku qeexay "guul" u soo hooyatay dagaalka xagjiriinta.

"Waxaan si miyir-qab ah u sheegaynaa in khatarta sii jireyso loona baahan yahay in aan xididaha u siibno," ayuu raaciyey, sida ku cad war qoraal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM