Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Image

Masar, 10 Agoosto 2025 – Kulankii laba geesoodka ahaa ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Turkiga oo Sabtidii ka dhacay Masar ayaa lagu soo bandhigay mowqif mideysan oo ku saabsan dagaalka Israa’iil ee ka socda Marinka Gaza.

Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa ku tilmaamay qorshaha Israa’iil ee ah in ay dhammaan gacanta ku dhigto Marinka Gaza mid “aan la aqbali karin”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa. Ujeeddada Israa’iil waa in ay ‘ka saarto Falastiiniyiinta’ Gaza, iyadoo doonaysa in ay u beddesho meel aan Falastiiniyiintu ku noolaan karin, halkaas oo ay ku degan karaan degganayaal joogto ah oo ay iyagu keenaan.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Khamiistii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Israa’iil ay qorsheyneyso inay gacanta ku dhigto guud ahaan Marinka Gaza, dagaalkaas oo ay ku jirto muddo ku dhow laba sano. Wuxuu sheegay in wejiga ugu horreeya uu noqon doono in la xakameeyo magaalada Gaza.

Golaha Ammaanka Israa’iil ayaa Jimcihii ansixiyay talaabadan, inkastoo aysan si cad u sheegin in qorshuhu yahay in la qabsado guud ahaan dhulka Gaza.

Kulanka Masar ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay baahida loo qabo in dhammaan dalalka Muslimiinta ah ay isku yimaadaan una midoobaan arrinta dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Dhinaca kale, Masar oo ay wehliyaan Qatar iyo Mareykanka ayaa muddo bilooyin ah ku hawlaneysay dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Hamas, balse weli ma aysan gaarin heshiis waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM