Maxaa laga filayaa kulanka Trump iyo Kim John Un?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kulan madaxeeda taariikhiga ah ee Trump iyo Kim-jong Un ayaa lagu wadaa inuu Talaada [12-ka June] uu ka qabsooma dalka Singapore, halkaasoo ajnadaha ugu wayn uu yahay Nuk-liyeerka.

Hadaba, Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu halkaan hoose uu kugu soo gudbinayaa dhowr arrimood oo ay tahay inaad ka ogaato kulankaan ka hor inta uusan si rasmi ah ufurmin.

Muxuu kulanku ku saabsan yahay?

Kulan madaxeedkan oo laga yaabo xitaa inuu dib u dhco illaa iyo Arbacadda ayaa ah mid taariikhi ah, iyadoo labadda hogaamiye ay si qoto dheer u gorfeyn doonan dhimista halisaha Nuk-liyeer iyo nabad kusoo dabaalida gacanka Kuuriya.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay Kulanka sida uu u arko ayaa ifafaale wanaagsan ka muujiyay natiijada, isagoo xusay in wax walba laga filan karo Kim John Un.

Goormuu ayuu kulanka bilaaban doonaa?

Waxaa la qiyaasayaa in labada hogaamiye isa soo hor-fariisan doonaa 9:00 a.m. waqtiga maxaliga ah ee Singapore [Afrikaga Bari waa 4:00 galabnimo]. In badan ka badan 1,000 wariye-yaal ayaa tabin doona kulankaan, taariikha baal-dahab ka geli doona.

Lacag gaareysa 15 Million oo dollar ayaa la sheegay inuu ku baxayo Kulanka Trump iyo Kim, kaasi oo ka dhacaya Capella hotel oo ku yaalla Jaziiradda Sentosa, iyadoo amaanka si aad ah loo adkeeyay.

Maxay horey iska dhaheen labada hogaamiye?

Sanadkii hore, Trump ayaa wuxuu ku tilmaamay Km "Nin yar oo ku hubeysan Madfac [Rocket man]" iyo "Nin gaaban oo cayillan" iyo erayo kale.

Kim ayaa qudhiisa Trump ku sheegay "Eey cabsanaya" iyo "Nin maskax ahaan waalan oo dadka Ameerikaan ah ay quus ka taagan yihiin".

Laakiin intaas kadib, dhawaan Trump wuxuu amaanay Kim isagoo ku tilmaamay inuu yahay "mid aad u sharaf badan", una qalma inay labadooda si wanagasan ugu kulmaan Singapore.

Soyaalka Mareykanka-Kuuriyadda Woqooyi?

Kadib dagaalkii Kuuriya ee 1950-1953, kaasoo ay ku dhinteen 35,000 oo Ameerikaan ah, Mareykanka wuxuu cadow u arkayey Waqooyiga Kuuriya, waxaaana uu xulufo dhow la noqday Kuuriyadda Koonfureed oo dagaalkaas kaga go'day dhinaca kale.

Balse, Kuuriyadda Waqooyi waxay garab ka heshay Shiinaha, taasoo la ah saaxiib wayn, islamarkaana siisa taageero dhinac walba ah.

Mareykanka waxaa hadda ka jooga Kuuriyadda Kuunfureed ku dhawaad 30,000 oo askar, wuxuuna siiyaa Xukuumada Seoul, taageero dhanka ciidanka iyo waliba mid dhaqaale.

Hadafka ugu wayn ee kulanka Trump iyo Kim wuxuu yahay in lasoo gaba gabeeyo colaada labadda dal, iyo inay kala saxiixdaan heshiis, kaasoo u gogol xaaraya inay kuwada noolaadaan si nabad ah.

Mareykanka muxuu doonayaa?

Trump wuxuu doonayaa inuu Kim ku raaco waxa ay Mareykanka rabo oo ah "Hub ka dhis Nuk-liyeer oo dhameysitan oo la xaqiijiin karo," taasoo la macno inay Pyongyang ka takhalusto hubkeeda Nuk-liyeerka.

Ujeedka wuxuu yahay inay dowladda Kim uu hogaamiyo joojiso soo saarista ama soo iibsashadda Nuk-liyeerka,  sidoo kalena in kormeerayaasha caalamiga ah loo ogolaado in Kuuriyadda Waqooyi tagaan.

Maxaa ka dhaca hadii uu diido Kim?

Lama saadaalin karo, balse, Trump wuxuu ku cel-celiyay marar badan in kulanka hadii uusan wax natiijo ah kasoo baxayn uusan waqti isaga lumin lahayn. Maanta markii uu tegay Singapore wuxuu sheegay inuu daqiiqada ugu horeysay ee uu la kulmo Kim ku ogaan doono wax walba.

Maxay Kuuriyadda Woqooyi dooneysaa?

Waxay dooneysaa Kuuriyadda Waqooyi inay soo gaba gabeyso siyaasadda "cadow-tinimada" ku dhisan ee kala dhaxeysa Mareykanka iyo inay wanaajiso xiriirka diblumaasiyadeed, in laga qaado xanibaadaha dhaqaale ee saaran iyo inuu Mareykanka yareeyo joogitaankiisa ciidan ee gobolka.

Miyey horey isugu dayday?

Haa, waqti fog ka hor, waxaa jiray wadahadalo Nuk-liyeer oo burburay bartamihii sanadkii 1990-kii. Madaxweyne walba oo Mareykanka soo mara wuxuu ka lahaa arrinta Kuuriyadda Waqooyi hadaf lamid ah midka uu hadda Trump wato.

Markasta oo fashil ku yimaada isku dayada noocan ah ee wadahadalka, Mareykanka wuxuu xukuumadda Pyongyang ku eedeeyay "khiyaano" markii fashion yimaado.

Muxuu yahay waxa laga filayo inuu kulanka kasoo baxo?

Trump ayaa sheegay inuu ogyahay waxa kasoo baxaya kulanka, mida koowaad oo ah inuu yahay kulanka mid saaxiibtinimo, waxaase uu ku adkeystay inuu kulanku yahay mid natiijo wax ku ool ay kasoo bixi doonan.

Labada Hogaamiye ayaa la filayaa inay iska raacaan la furo isku socodka labada magaalo madax ee labada dal, inuu Mareykanka ku dhawaaqo inuu joojiyay dagaalka kala dhaxeeya Kuuriyadda Waqooyi iyo inay taageerto kooxaha argigixisadda iyo inuu Kim soo booqan doono Madxafka Mar-a-Lago.

Ma jiraa dal kale oo ku lug leh?

Dhamaan dalalka waqooyi-bari ee Asia ayaa si dhow ula socon doona kulanka. Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa gacan ka geystay qabsoomida shirkaan.

Madaxwaynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa la kulmay Kim ilaa laba jeer sanadkan tan iyo markii lagu dhawaaqay shirwaynaha, sidaasi si lamid ah, madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa usoo diray wasiirka arrimaha dibedda Magaalada Pyongyang bishii hore si loogu casuumo Kim imaanshaha Moscow.

Maxaa dhici kara hadii Shirka uu burburo?

Waxa la filayo ee ugu wanagasan waxay tahay inay dib ugu laabtaan carigii aflagaada, hanjabaad iyo isku dhacyadda Kuuriyadda Waqooyi iyo mida Koonfurta, taasoo ka imaan karta natiijo xun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM