Muwaadiniin Ameerikaan ah kana soo jeeda hal reer oo la laayey

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan sagaal muwaadiniin Ameerikaan ah oo ay ku jiraan saddex haween iyo lix caruur ah ayaa lagu dilay weerar ay dabley ka fulisay aaga maandooriyeyaha ee waqoyga Mexico.

Dadka geeriyooday ayaa ka tirsanaa qoyska lagu magacaabo LeBaron, kuwaas oo xiriir la leh reerka gooni u goosadka ah ee Mormon, kuwaas oo qarniyeyaal kahor degay qaybo kamid ah wadankaas.

Xubnahan ayaa ku safrayey gawaari kolanyo ah markii uu weerarku dhacay, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah. Dableyda ayaa gubay gaariga. Baaritaano ayaana socda.

Wasiirka Ammaanka ayaa rumeysan in kooxaha hubeysan ay ku qaldameen dadka markii ay aqoonsan waayeen bartooda.

Sonora, gobolka ay mashaqadu ka dhacday, waxaa ku dagaalama laba koox oo iska soo horjeeda; "Los Chapos" iyo La Línea. Kooxahaan waa kuwa ka ganacsatada maandooriyeyaha halista ah.

Xubno kamid ah qoyska oo la hadlay wakaaladda wararka ee New York Times ayaa sheegay in laba kamid ah caruurta ku nafweysay dhacdadaan ay ka hooseysay da'dooda hal sano jir.

Madaxweyne Donald Trump oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa tacsi u diray qoyska oo ku sifeeyay "kuwa cajiib ah oo ah saaxiibo wanaagsan" isaga oo soo sabar ugu baaqay reerka intiisa kale.

Maxaad ka taqaanaa Colonia LeBaron?

Colonia LeBaron oo soo if-baxay horaanta qarnigii 20aad ayaa aad loogu yaqaanaa in ay kasoo horjeedaan in haweenaydu guursado wax ka badan hal nin; si lamid ahna ragu yeeshaan wax ka badan hal xaas.

Sanadka markii uu ahaa 1890 ayay aad u soo ifbaxeen waqtigaas oo Mareykanka ka socday ololaha ka dhanka ah qadiyaddan.

Iyadda oo warbaahintu maxaliga ah sheegeyso nin dad lagu qaday, taariikhda waxaa lagu hayaa in hore loo beegsaday xubo kamid ah.

Hogaamiyeyaashooda ayaa sheegay in ay gudbiyeen wargelino ku saabsan in ay wajahayaan hanjabaadyo ku saabsan dil.

Qoyskan oo caan ka ah dunida dalaceeda kala duwan isla markaana Masiixiyiin ah ayaa waxay mar sii horeysay dalbadeen in ay sameystaan ciidamo gaar u ah kuwaas oo ammaankooda damaanad qaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM