Muxuu Talyaaniga u maamuusayaa dagaalyahan ku dhashay Soomaaliya?

Image

ROMA, Italy – Golaha degaanka caasimadda Talyaaniga ee Roma ayaa waxay ansixiyeen mooshin mid kamid ah goobaha Tareenada laga raaco ee magaaladdaas loogu magac-darayo dagaalyahan ku dhashay gudaha Soomaaliya.

Goobta lagu waddo loogu magac-daro  oo ah Giorgio Marincola waxaa hadda loo yaqaanaa "Amba Aradam – Ipponio," waana mid kamida boosteejooyinka dhulka hoostiisa mara ee tareenada laga raaco.

Virginia Raggi, duqa magaala madaxda Roma oo farxad ka muujiyey talaabadan, ayaa shaaca ka qaadey in Marincola uu nafsadiisa u hibeeyay waddankiisa.

"Roma ma hilmaami doonto. In loogu magacdaro boosteejadan waxay noqoneysaa astaan tusaale u ah mar-xaladan taariikhiga ah," ayuu xusay. "Wuxuu tusaale u yahay kuwa u dhintay xoriyada Italy".

Talaabadan ayaa timid lix asbuuc kadib markii magaalada ay ka bilowdeen olole lagu ciribtirayo astaamihii gumeystaha, iyagoo la beegsanayo calaamadaha ku dhegan jidadka oo boosteejooyinka ku jiraan.

Dadka bilaabay ololahaas daba-socda dhaqdhaqaaqa lagu difaacayo dadka Madowga ah ayaa waxay tilmaameen in ay astaamahaas noqon karaan "dulmi," iyagoo bogaadiyey go'aanka golaha degaanka.

Waa kuma Giorgio Marincola?

Sarkaal ka tirsanaa milatariga Talyaaniga iyo haweenay Soomaali ah, Marincola, ayaa iska dhalay. 1923-dii ayuu ku dhashay Soomaaliya. Wuxuu si wax ku ool ah uga qeyb-qaatay iska-caabintii  Jarmalka ee 1944-tii.

Weeraro lagu qaadey ciidamadii Germany ee ku sugnaa gobolada Roma, Viterbo iyo Biella ayuu kaalin firfircoon ku lahaa Giorgio Marincola.

Bishii Janaayo, 1945-tii ayaa la xiray markii uu hadalo kulul hawada u mariyey ciidamadda Jarmalka. Waxay isku dayeen in ay ku qasbaan in uu cudurdaar ka bixiyo erayadaas, hase ahaatee, wuu diidey.

Bishii May 4-teeda 1945-tii ayaa la toogtay isaga iyo 25 kale oo shacab ahaa kuwaasoo isa soo uruursaday. Bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamadda Germany oo dib u gurasho ku jiray ayaana khaarijiyey.

Sanadkii 1953-dii, Marincola waxaa isagoo dhintay lagu abaalmariyey bilada ugu sareysa milatariga Italy ee loo yaqaano Medaglia d’Oro al Valor Militare, arrintaas oo lagu qirayey halyeeynimada iyo naf-hurnimadiisa.

Talyaaniga oo kamid ah gumeystayaashii reer Yurub ee qaarada Afrika ku kala qeybsaday shirkii Berlin intii u dhaxeysay Nov 15, 1884 – Feb 26, 1885 ayaa xukumayey koonfurta Soomaaliya oo xorriyadeeda ka heshay July 1, 1960.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM