Nigeria: kooxda Boko Haram oo qabsatey xero ciidan oo muhiim ah

Image

January 5, 2015 (GO)- Kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegtey xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Baga ee dhacda waqooyiga dalka Nigeria.

Saldhigga kooxdaasi la wareegtey wuxuu fariisin u ahaa ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda dalalka Niger, Nigeria, Chad iyo Cameroon.

Wakaalada wararka AFP oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa sheegtay in tobanaan dagaalyahan oo ka tirsan Boko Haram oo watey gaadiidka dagaalku xerada soo weerareen.

Dagaal muddo saacado ah socdey ayaa ka dhacay goobta, iyadoo markii dambe ciidankii xeradaas ku sugnaa u baxsadeen dhanka xuduudka dalka Chad.

Sanadkii 2013 dagaal ciidamada huwanta iyo kooxda Boko Haram ku dhex maray isla magaalada Baga waxaa ku geeriyoodey tobanaan qof oo qaar badan oo rayid ahi ku jireen.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan".  

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarada kooxda oo isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM