Nin dhintay bilooyin kahor aqal galkiisa iyo dareenka saaxiibtiisa

Image

LONDON, UK - Booliska Ingiriiska ayaa baaraya sababta keentay dhimashada Mark Lawrence oo isaga oo meyd ah laga soo helay qolka gurigiisa.

Lawrence oo 59-sano jir ah ayaa dhimashadiisa waxay imaaneysa bilooyin kahor inta uusan guursan saaxiibtiisa Nikki Fletcher.

Inkasta oo ay iska dhaleen caruur, haddana waxay qorsheynayeen in ay aqal galaan bilooyinka soo aadan si nolosha isii wataan.

Fletcher ayaa sheegtay in aad uga naxday dhimashada saaxiibkeed, maadaama ay u socdeen in ay ka dhabeeyaan riyo ay marar ku taahayeen.

"Waxay igaaga dhigan tahay in aan waayey wadnaheyga," ayay tiri, sidda ay kasoo xigteen warbaahita maxaliga ah.

Nikki Fletcher sanadkii hore waxay dhashay mataano oo loo kala baxshay Oliver iyo George, kuwaasi oo sanadkii ugu horeeyay dunida jooga.

Dhacdadaan ayaa laga soo wariyay magaalada Waterlooville oo hoostagta maamulka Hants ee Boqortooyada UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM