Dalalka ku lugta leh colaada Libya oo digniin hawada loo mariyey

Image

Ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Libya Ghassan Salamé ayaa ugu baaqay quwadaha shisheeye inay joojiyaan faragelinta dagaalka sokeeye ee Libya.

Isagoo ka hadlayay shirka wada hadallada nabadda ee Berlin, ayuu Mr Salamé sheegay in taageerada shisheeyaha ay u fidinayaan kooxaha ka dagaallamaya Libya ay ka sii dartay xaaladda.

Balse Mr Salamé ayaa BBC-da u sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo wada xaajoodyada.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa sagaal bilood kaddib dagaalka u dhaxeeya janaraalka awoodda badan ee Khalifa Haftar iyo dowladda ay QM taageerto ee ka talisa caasimadda Tripoli.

Xabbad-joojin ayaa horraantii bishan lagu dhawaaqay taasoo u dhaxaysa jeneraal Xaftar iyo dowladda Libya.

Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu jebiyay heshiiska, shir lagu dhexdhexaadinayay labada dhinac si ay u gaaraan xabbad-joojin kama dambeys ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka furmay magaalada Moscow.

Maalintii shalay ahayd, ciidamo daacad u ah janaraal Haftar ayaa is hortaagay shidaal laga dhoofin lahaa dekado waaweyn oo dhowr ah oo ku yaalla Libya. Tallaabadan ayaa caqabad ku ah isha ugu weyn dhaqaalaha ee dalkaas.

Muxuu yiri Ghassan Salamé?

Isagoo la hadlayay barnaamijka BBC Radio 4 ee maanta, ayuu Mr Salamé ugu baaqay dowladaha caalamka inay joojiyaan taageerada ay u fidinayaan kooxaha Libya ka dagaallamaya, sida hubka ay siiyaan, maalgelinta iyo taageerada milatari ee tooska ah.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkaas ay dabka u sii huriyeen colaadda Libya.

Doorka dalalka shisheeye ee dagaalka ayaa isha lagu hayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo Turkigu uu meelmariyay sharci lagu muransan yahay oo ciidamo caawiya dowladda Libya lagu geynayo Tripoli.

Dhanka kale, Ciidamada Qaranka Libya (LNA) ee jenaraal Haftar ayaa taageero ka haysta dalalka Ruushka, Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Jordan.

Shirka maanta ayaa waxay ujeeddadiisu tahay in dalalka shisheeye looga codsado inay qaddariyaan cunaqabateynta hubka ee ay QM ku soo rogtay Libya, ayna ka joogsadaan faragelinta dagaalka Libya.

Shirka ayaa isku keeni doona labada dhinac, iyo dalalka shisheeye ee taageeraya, QM iyo madaxda dalalka kale ee dunida, ayna ku jiraan madaxweynaha Ruushka Putin iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mr Salamé ayaa BBC-da u sheegay in xal siyaasadeed uu u wada wanaagsan yahay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, sababtuna ay tahay in Libya marka la eego juqraafi ahaan, bulshada oo aad u hubeysan iyo dhismooyinka burbursan ay adag tahay inay maamusho hal koox oo keliya.

"Dhammaan danaha dalalkaas, gaar ahaanna qandaraasyada waaweyn ee ganacsiga iyo qandaraasyada shidaalka waxaa bixin karta Libya oo nabad iyo barwaaqo ah, iyadoo ka wanaagsan sida ay haatan tahay oo ah dal kala qeybsan oo dagaal uu ragaadiyay," ayuu intaas ku daray

Waa sidee xaaladda haatan ee Libya?

Libya waxaa ragaadiyay colaado tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011 ee xididdada loogu siibay ninkii adkaa ee Muammar Gaddafi.

Ciidamada LNA ee jenaraal Xaftar ayaa maamula inta badan bariga Libya, bishii April ayuu dagaal ka dhan ah dowladda ku qaaday Tripoli.

Xoogaggiisa ayaa awoodi waayay inay la wareegaan magaalada, balse horraantii bishan LNA ayaa qabsatay magaalada saddexaad ee ugu weyn Libya ee Sirte.

Sida ay sheegtay QM, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay boqollaal qof halka kumannaan kalena ay guryahooda ka barakaceen.

GO + BBC

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM