Qaraxyo ruxay Sri Lanka, khasaaraha iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image

COLOMBO, Sri Lanka – Ku dhowaad 200 ruux ayaa ku geeriyootay kadib sideed qarax oo ka dhacay maanta wadanka Koonfurta Aasiya ku yaalla.

Weerarada oo lala beegsaday Huteelo iyo Kaniisado ayaa lagu soo beegay xili dadka Masiixiga u dabaaldegayeen ciidoodda Axadda.

Madaxda dalkaasi sida madaxwaynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadaan oo aysan wali jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay.

Sidoo kale qaar kamida hogaamiyeyaasha qaramadda gobolka iyo dunida inteeda kale ayaa si lamida tacsi u diray ehelada dadkaasi la xasuuqay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 20 kamida dadka geeriyooday ay Ajaaniib yihiin xili la filayo in tirada ay sii kordhi karto.

Goobaha waxbarashada ayaa la xiray muddo laba maalmood ah, iyada oo wadankaasi looga dhawaaqay maalmo baroor-diiq ah.

Shacabka ayaa isugu soo baxay Isbitaalada si ay dhiig ugu deeqaan in ka badan 500 ruux oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Dalka Sri Lanka oo dadkiisa lagu qiyaaso in ka badan 21 milyan oo ruux ayaa waxaa kaliya Muslimiin ka ah 9.7% taasi oo ah tiro aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM