Sababta North Korea u Joojisey Tijaabada Nukliyeerka iyo Gantaalada Ridada Dheer

Image

PYONGYANG- Hogaamiyaha dalka Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku dhawaaqey in sida ugu dhaqsaha badan dalkiisu u joojin doono soo saarista Nukliyeerka iyo tijaabada Gantaalaha Ridada dheer sidaa waxaa lagu sheegey wakaalada Wararka dalkaas.

Ku dhawaaqista hadalkaan ayaa imaaneysa xilli ay hoos u dhaceyso xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa labada Kuuriya iyadoo la filayo in Asbuuca soo socda hogaamiyaasha labada dal kulan taarikhi ah yeeshaan.

Wakaalada Wararka Woqooyiga Kuuriya KCNA ayaa sheegtey in dalkaas uu xirayo gabi ahaanba xarumaha lagu tijaabiyo hubka Nukliyeerka si dalkaan ugu shaqeeyo kor u qaadista dhaqaalihiisa iyo amaanka gobolka.

“ Uma baahnin in aan tijaabino Nukliyeer iyo Gantaalada Ridada dheer sababtoo ah waan ka gaarney danaha aan la laheyn, hadaba xarumahaan way dhameeyeen dantii laga lahaa.” Sidaas waxaa yiri hogaamiyaha da’da yar ee dalka Kuuriya mar uu la hadlayey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga talada wadankaas gacanta ku haya.

Sida laga soo xigtey KCNA qoraal ay qortey, dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa ku baaqey in caalamka laga joojiyo soo saarista hubka Nukliyeerka islamarkaana la xaqiijiyo in aan dal-na Kan kale ku baqdin galin isticmaalkiisa.

Kulanka la sugayo

Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un ayaa la filayaa in Bisha April 27,2018 xuduudka dalkiisa kula kulmo dhigiisa Koonfurta Kuuriya isagoo sidoo kale Trump la yeelan kulanweyne  dhamaadka Bisha May,2018 ee soo socota.

Kulanka labada Kuuriya yeelanayaan asbuuca soo socda ayaa noqonaya midkii Kowaad tan iyo 2007 isagoo dhinaca ah midka Sadexaad tan iyo 1950- 1953.

Dhinaca kale waxaan weli la isla-meel dhigin halka lagu qabanayo kulanka la filayo inuu dhexmaro Trump iyo Kim iyadoo aqalka Cad uu sheegey in laga fakarayo Sadex goobood.

Trump ayaa Sabatidii soo dhoweeyey go’aanka Kuuriyada Woqooyi ku joojisay tijaabooyinkaan.

“ Kuuriyada Woqooyi waxay aqabashay iney joojiso dhamaan tijaabooyinkii Nukliyeerka , talabaadan waa mid u fiican Wooqiga Kuuriya iyo Caalamka- Hurumar wanaagsan!” ayuu Donald Trump soo dhigey bartiisa Twitter-ka.

“ Waxaan sugnaaba waa kulankeena.” ayuu ku darey.

Madaxweyne Trump ayaa horey u sheegey in kulanka uu la qaadan doono Kim uu dhici doono Bisha May ama horaanta Bisha June.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM