Safiirka Mareykanka ee Shiinaha oo la shaaciyey in uu is-casilayo

Image

WASHINGTON, US – Danjiraha Mareykanka ee Shiinaha, Terry Branstad, ayaa xafiiska faarujin doona horaanta bisha October, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaarada Washington iyo Qunsulyadaha ee China.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka soo baxay Isniinta maanta ah, 73-sano jirkaan ayaa go'aankiisa u xaqiijiyey madaxweyne Donald Trump kadib wadahadalo dhanka telefoonka oo asbuucii hore dhexmaray.

Branstad, gudoomiyihii hore ee gobolka lowa, ayaa xilkaan qabtay 2017-kii, sanadkii ugu horeeyay ee madaxtinimadda Donlad Trump.

Shaqo ka tagistiisa ayaa kusoo hagaageysa xilli cilaaqaadka u dhaxeeya Beijing iyo Washington uu muddooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayey.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Branstad.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in ay kaliya arkeen fariimaha Twitter-ka, balse aan lagu soo wargelin.

"Kaliya waxaanu ka war-helnay fariimaha lagu baahiyey Twitter-ka, mana helin wargelin la xiriirta in Terry Branstad uu is-casilayo," ayuu Wang Wenbin ku sheegay shir jaraa'id oo uu kaga jawaabay warbixinadaan.

Mareykanka iyo Shiinaha oo safka hore kaga jira dhaqaalaha iyo horumarka caalamka ayaa ku loolaya cidda liijaanka u qabaneysa casriyeynta dunida, iyaddoo mid walba uu u han-qal0-taagayo in uu isaga helo labinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM